Xaaji Xunjuf Posted May 27, 2009 26 May 2009 (14:05) Codka Dhageeso Dastuurka Puntland ay samaysteen Gobolada Waqooyi Bari, isla markaasna aan meesha lagu xusin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Golihiisa Xukuumadda ayaa maanta u gudbiyey Golaha Wakiilada Dastuurka Cusub ee Puntland. Bishan 24 teedi (24.05) ayaa Golaha xukuumadda Puntland ay ansixiyeen Dastuurka Cusub, waxa ayna isku raaceen in loo gudbiyo Golaha Wakiiladda si ay uga baaraan degaan isla markaas u ansixiyaan ama u diidaan. Soo gudbinta maanta ayaa waxaa ka dhashey buuq iyo ismaandhaaf kadib markii lifaaq la socda dastuurka Puntland oo qeexaya xaaladda kala guurka ay ku caddahay in Puntland ay samaysteen Gobolada Waqooyi Bari, isla markaasna aan meesha lagu xusin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana xildhibaanada ka soo jeeda Goboladaas ay sheegeen in aysan ka mid ahayn Puntland sida uu qeexayo lifaaqa dastuurku, waxaa meesha ka dhashey buuq ay ku sigteen in Xildhibaandu gacanta isula tagaan. Hadaba halkee ka yimi Magaca Waqooyi Bari? Soomaaliya waxa ay ka koobneyd 18 Gobol markii uu bur burey haykalkii dawladnimo 1991-kii, Goboladii markaas dawladdu ka duntey kuma jirin magac la yiraahdo Waqooyi Bari, waxaase kamid ahaa Gobolka Waqooyi Galbeed, marka laga yimaado magaca Gobolka, waxaa meesha ka muuqdaa waa Jiho haddaan Tusaale u soo qaadano Magaalada Bosaso waxa ay xarun u ahayd Gobolka Bari, haddii jiho ahaan la eego Bosaso kuma taalo Jihada Bari ee waxa ay dhacdaa Jihada Waqooyiga Soomaaliya ama Waqooyi Bari.. Magaca ah Waqooyi Bari ka hor bur burkii Dawladdii Soomaaliyeed waxaa mar mar isticmaaali jirey Gobolka Sanaag, laakiin Siyaasiga Gen.Maxamed Abshir Muuse ayaa magacan arkey in uu ku haboonyahay in ay wada isticmaalaan Gobolada uu markaas hogaanka u hayey, Gen.Maxamed Abshir waxa uu markaas u isticmaaley Gobolada ay deganaayeen dadkii isir wadaaga ahaa ee markii danbe samaystey Puntland, waxaase la yaab lahayd sida uu markiiba Caalamka magacaas uga gaday isla markaasna u noqdey mid rasmi ah oo loo isticmaalo. Hadaba Axdigii Puntland ee la ansixiyey 1998 bishii shanaad, kaas oo lagu dhisey magaca Puntland ayaa lagu qeexay in ay ku midoobeen Gobolada Waqooyi Bari, Sool Sanaag iyo Deegaanka Buuhoodle, waxaa muuqata in ay ka weecdeen ergooyinkii axdiga dhisaayey qaabkii uu u isticmaaley Jananku magaca oo ay ahayd in ay ku qeexaan in Puntland ay ku midoobeen Gobolada Bari,Nugaal,Mudug,So ol,Sanaag Bari iyo Deegaanka Buuhoodle, sababtuna waa mar aan weydiiyey mid kamid ahaa ragii la shaqeyn jirey Jananka 1992-dii, ayaa ii sheegay in Waqooyi Bari loola jeedo in ka badan Bari, Nugaal iyo Mudug waxaana uu dallad u yahay ayuu yiri inta isir wadaaga ah oo dhan. Waana midda keentay sida muuqata in aan si gaar ah Gobol loo xusin sida, Bari, Karkaar, Nugaal, Mudug, ama Sool, Sanaag iyo Cayn, balse la isku wada yiri Waqooyi Bari. Qaladka ku Jira Lifaaqa Dastuurka Waa hubaal in ay ilduuf iyo deelqaaf uu yahay in la yiraahdo Puntland waxaa dhistey beelaha Waqooyi Bari mar haddii axdigii ugu horeeyay sidaas si kaduwan loogu qeexay, mar haddii dadku jiho ahaan in loola jeedo magacan ee awalba aanu ahayn mid jirey aysan ku baraarugsanayn, waxaana xukuumadda la gudboon in ay dib u saxdo, raali gelina ka bixiso. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Xildhibaanadda buuqa iyo bulxanka ka keenay haddii aysan nidaamka jiho eegin ama magacu sida uu ku baxay, waxay ahayd in ay ka codsadaan in loo qeexo, waxaan filayaa Dr.Cabdi Xassan waa qoraa aad u yaqaana sooyaalka siyaasadeed ee Soomaalida, Shalay mar uu waraysi siiyey Horseed Media sidaas ayuu u dhigey qoraal ahaanse waxaan ku darney Sool, Sanaag Bari iyo Cayn sababtuna waxa aan ka raacney ujeedada Wasiirka. Xildhibaanada ayaa sii wadan doona eegista Dastuurka cusub ayagoo dooda ka yeelan doona dastuurkan marka ay dhameeyaan akhrintiisa. Dastuurkan ayaa ah mid muhiim u ah Puntland isla markaana ka saari kara nidaamkii qabiilka oo u furi kara nidaamka shacabku wax doorto. Xigasho; Horseedmedia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 27, 2009 Dastuurka cusub ee Puntland oo qeexaya in Puntland Gobolada waqooyi Barri samaysteen. Warkii 27-May-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Dastuurka cusub ee maamul Goboleedka Puntland ee hadda la horgeeyay Golaha Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu qeexayaa in Gobolada Bari,Nugaal iyo Mudug ay ku bahoobeen maamul Goboleedka Puntalnd ayna saddexdaas Gobol ay samaysteen maamulka Punland. Dastuurkan oo hadda la horgeeyay Baarlamaanka Puntland kadib markii ay ansaxiyeen Golaha wasiirada ee xukuumada Faroole ayaa waxa ay horgeeyeeyeen Baarlamaanka Puntland kaas oo si wayn ugu abuuray gudaha Baarlamaanka Puntland buuq iyo sawaxan qaylo dhaliyay kaas oo qarka u saaray inay gacmaha isla galaan xusbnaha Baarlamaanku. Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa si toos ah loogu cadeeyay Dastuurka cusub ee la doonayo in ay yeelato Puntland inaysan saddexdaasi Gobol aysan kamid ahayn ayna ku jirin iyadoo lagu cadeeyay in Gobolada Nugaal,Barri Iyo Mudug ay ku bahoobeen dhisida maamulka Puntland ee hadda ka jira saddexdaa Gobol. Hordhac waa lifaaqii Dastuurka ee muranka dhaliyay:- Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari, waxa ay ku guuleysteen in ay sameystaan maamul uu u dhameystiran yihiin Qaybaha Dawladda, taas ooo ka dambeysay, markii waxgaradka Gobollada Waqoooyi-Bari ay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe 15kii Maajo 1998kii. Bishii Agoosto 1998kii waxaa halkaas loogu walqalay dhisme maamul cusub oo ka mid noqda Dawlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan, kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka. Puntland waxay rumeysantahay in nidaamka Federaalka uuu yahay kan qura oo Soomaali isku raaci karto…… Arintan ayaa waxa si wayn uga cadhooday shacab waynaha ku dhaqan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyagoo ay dadwaynuhun isla dhexmarayaan arintan cusub ee hadda ku qoran Dastuurka maamul Goboleedka Puntland iyagoo ku tilmaamay inay tahay arin dhaawac ku keentay jiritaanka Puntland iyo awood qaybsigii. Hadaba guuda haan shacabka Puntland ayaa si wayn uhadal haya lifaaqa ku qoran Dastuurka Puntland ee qeexaya inay saddexda Gobol ee Sool,Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn maamulka Puntland iyagoo dadwaynuhu ay xusayaan in meesha laga saaro arinkaasi Dawladuna raali gelin buuxda ka bixiso. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 27, 2009 Qodobka 6aad DHULKA IYO SOHDIMAHA Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag. Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan. I guess Haji & Afnugaal are illiterate Read the constitution. Quote Share this post Link to post Share on other sites