Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbaxyo Rabshado Wata oo Ka Socda Dalka Bangladesh iyo Dad Ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Dibad-baxayaal arday ah oo dalbanayay in la joojiyo kootada shaqooyinka dawladda
ee Bangladesh ayaa isugu soo baxa magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay dibadbaxayaasha iyo booliisku isku dheceen.

Ardayda ayaa ka caraysan shaqo la’aanta dhalinyarada oo aad u sarreysa , iyada oo ku dhawaad ​​32 milyan oo qof ay shaqo la’aan yihiin, waxayna dowladda ku cadaadinayaaj in la baabi’iyo kootada boqolkiiba 30-da ah ee loogu talagalay qoysaska halyeeyadii dagaalkii xornimada 1971, islamarkaana shaqooyinka iyo adeegyada dowliga ah laga dhigo kuwo loo simanyahay.

“Waan sii wadi doonaa qorshayaashayada, dhammaan xarumuhuna way xirnaan doonaan,” ayuu yiri isku duwaha mudaaharaadayaasha oo lagu magacaabo Nahid Islam, kaas oo la hadlay Warbaahinta.

Nahid ayaa intaa ku daray in Keliya isbitaallada iyo adeegyada degdegga ah ayaa sii shaqeyn doona, iyadoo adeegyada ambalaaska oo ah gaadiidka keliya ee ay u oggolyihiin inay jidadka nabad ku maraan, baabuurta kalena aan ay waddooyinka ka hor istaagi doonaan.

In badan oo xafiisyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa khamiistii dib loo furay magaalada caasimadda ah ee Dhaka, iyadoo waddooyinka ay xiranyihiin, inkastoo basaska dadweynaha oo aan badnayni ay meelaha qaar marayaan, dibadbaxyaasha ayaana jidadka buux dhaafiyay.

Sidoo maamulka ayaa xiray dhammaan jaamacadaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay laga bilaabo Arbacadii waxayna u direen booliska rabshadaha ka hortaga iyo ciidamada ilaalada xuduudaha si ay u xaqiijiyaan sharciga iyo kala dembeynta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this