Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo digniin ka soo saaray qodoba ka reeban xisbiyada siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1721280252080.jpg?resize=720%2C48

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay soo saaray digniin ku saabsan arrimaha ka reebban xisbiyada siyaasadda Puntland ee u tartamaya doorashada saddexda degmo ee gobolka Nugaal.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa lagu sheegay in Xisbi kasta oo u tartamaya doorashada ay ka reebban tahay in uu hantida dowladda u isticmaalo danihiisa gaarka

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xisbi kasta ay ka reebban tahay in uu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa doorashada
Islamarkaana uu ku xadgudbo jadwalka ololaha doorashada.

Guddiga PEC ayaa sidoo kale sheegay xisbi iyo musharax kasta ay ka reebban tahay uu ku kaco fal ka hor imanaya xeerarka iyo habraacyada doorashada goleyaasha degaanka.

“Hadaba, Xisbigii ama Musharaxii u hoggaansami waaya xeerarka iyo Habraacyada Doorashada kuna xadgudba awaamiirta kore waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqasan” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga PEC.

Halkaan ka akhriso qoraalka guddiga

FB_IMG_1721280223618.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo digniin ka soo saaray qodoba ka reeban xisbiyada siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this