Sign in to follow this  
Deeq A.

Xizbullah oo ku hanjabay in ay beegsan doonaan bartilmaameedyo cusub oo Israa’iil ku yaalla

Recommended Posts

Deeq A.   
30a7b87f-7f47-409e-9ba6-ec6c34ed0c6e_w40

Hoggaamiyaha Xizbullah Xasan Nasrallah ayaa ka digay in kooxdiisa Iran ay taageerto ay beegsan doonto bartilmaameedyo cusub oo Israa’iil ah haddii dad kale oo rayid ah lagu dilo duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan.

Xizbullah iyo Israa’iil ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamas iyo Israa’iil kadib weerarkii kooxda reer Falastiin ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October.

“Haddii cadowgu uu sii wado beegsiga dadka rayidka ah sidii uu sameeyay maalmihii la soo dhaafay, markaas tani waxay nagu riixi doontaa inaan bartilmaameedsanno meelaha aynaan ilaa hadda beegsan,” ayuu yiri Nasrallah.

Nasrallah ayaa uga digay Israa’iil cawaaqibka ka dhalan kara duulaan kasta oo ay ku qaado Lubnaan, isagoo sheegay in Israa’iil aysan u hari doonin wax taankiyo ah, haddii dagaal weyn uu qarxo.

PUNTLAND POST

The post Xizbullah oo ku hanjabay in ay beegsan doonaan bartilmaameedyo cusub oo Israa’iil ku yaalla appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this