Liibaan Posted January 29, 2010 Xaabsade Oo Waashay ( Waraysigiisii Wargeyska Ogaal Dheeho) News (Laascanod) 28.1-10 Waxaa Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Hargeysa uu waraysi ka qaaday, Axmed Cabdi Maxamuud Xaabsade, waraysigaasi ayaa lagu waydiiyey su’aalo badan, waxaase ahayd hadal-haynta maalmahan, su’aalo laba sadex ah oo la waydiiyay oo tusayey dawakha ku jira odayga. Waxaa kaloo ay tusaysaa in talo uu siday jirin ee uu yahay nin awr-kiraale ah. Dheeho dhawrka su’aalood. Ogaal: Markaa markii aad Holhol tagteen Shirkii waad joojiseen miyaa? Jawaabtii Xaabsade: Haa, waanu joojinay… Ogaal: Marka hore ujeedada Shirku maxay ahayd? Jawaabtii Xaabsade: Wuxuu ahaa arrimo dhaqameed oo beesha (***********) ah – annagu waxaanu moodaynay inay wax kale oo xumaan iyo colaad ah iyo siday berigii hore u odhan jireen dagaal hala galo ayaanu moodaynay. Ogaal: Mar haddaad ogaateen in Shirku arrimo dhaqan yahay maxaad u xidheen? Jawaabtii Xaabsade: Dee dawladda Somaliland baa tidhi haddaan amar dawladda laga haysan meeshaa lama tegi karo. Ogaal: Laakiin, Madaxdhaqameedka qaarkood waxay sheegeen in shirku u socdo oo aanay cidina ka joojin karin, taas ka waran? Jawaabtii Xaabsade: Haa, waanu wada soconaa, muddona waanu wada joogaynaa inta aanu hawlahayaga. Jawaabahaas oo uu ka muuqdo khalkhal badan iyo is af-dhaaf faro badan, ujeedada jawaabahaasi laba masalo ayay ina tusi karaan, labada masalo ayaa kala ah: • In uu odaygu waashay oo aanu si qurxoon farshaxanimadii lagu yaqaanay aanay ka muuqan. Weliba uu tusay dadweynaha reer Sool in xaalka uu ku metelo ee Hargeysa kula joogo, aanay ay tahay xaalad naxdin leh, welwelna leh. Weliba ay ina tusayso ninkii Sool qabsaday ee Somaliland keenay in aanu si xaqiiqo ah maskaxdiisa u shaqaynayn. • Qodob kale waa in uu quus ka sido Somaliland, sidaas awgeed uu ian tusayo in la soo amray, sida uu doono markii hore ha isu yidhaahdo waa lagu dhegeysanaaye, manta in uu ina tusayo xaqiiqada. Waayo wuxuu sheegay in aanu shirku dhib ahayn, laakiin uu xidhay, sababtuna tahay in dawladu soo amartay. Waxaanu leenahay Xaabsade, haddii aad fariinta danbe dirtay waxa aanu leenahay awalba waanu ogayn, waanuna kaaga dignay, waxaadna noo sheegtay dhibta awr kiraalaha. Haddii aad ay hore ay tahayna illaahay ha ku shaafiyo. Waxaanuse ku leenahay cibaado ayaa kuu e gee waxan ka abax. Dadkana waxaanu leenahay ogaada Xaallada Ina Xaabsade halka ay marayso. Maxamed Siyaad Faarax-(Kabaweyne) Hargaysa (Wariye Madaxbanaan) RadioWidhwidh Online Quote Share this post Link to post Share on other sites