Deeq A. Posted July 17, 2024 In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Israa’iil salaasadii shalay ilaa xalay saqdi dhexe ku beegsadanayeen koofurta iyo badhtamaha Gaza. Meelaha ay ciidanka Israa’iil gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Israa’iil u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan. Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa salaasadii shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi. Saraakiisha isbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof. Duqeymo kale oo Isniintii iyo salaasadii ay Israa’iil ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Zawaida ee badhtamaha Gaza, ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay. Saraakiisha caafimaadka ee cisbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah. Degmada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ciidamada Israa’iil dagaalka ka wadeen tan iyo May, ayaa la xaqiijiyay in 5 Falastiiniyiin ah lagu dilay kaddib duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolayeen. Israa’iil ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas. Hase yeeshee, Xamas ayaa sheegtay, in duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka waddo Gaza ay uga gol-leedahay in ay ku fashiliso wadahadallada xabbad-joojinta ee ay gadhwadeenta ka yihiin Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Source Share this post Link to post Share on other sites