Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maleeshiyo Beeleed ???

Recommended Posts

(Haatuf -Boorama) – Dadweynaha magaalada Boorama ayaa dareen isa soo taraya ka muujinaya maleeshiyo beeleed la sheegay inay soo degeen duleedka magaalada, gaar ahaana dhinaca Bariga magaalada, halkaas oo sida la sheegay ay kooxdan maleeshiyada ahi doonayso inay ka baadi goobaan hub la sheegay in ciidamadii Siyaad Barre kaga tageen halkaas.

 

Maleeshiyo beeleedadan oo sida la sheegay iska soo urursaday deegaanada Goraya cawl iyo Aw-Barre oo dhinaca xadka Itoobiya ah saddex toddobaad ka hor ayaa haatan mar labaad wararkooda ay qaybo ka tirsan dadweynaha magaaladu ka muujiyeen wel-wel.

 

Sida ay wararka maalmahan ku wareegaya magaalada Boorama ay sheegayaan maleeshiyo beeleedyadan oo dadka qaar rumaysan yihiin inay hubaysan yihiin ayaa loo malaynayaa sida laga soo xigtay dadka dhulkaas degen inay halkaa u yimaadeen si ay ugala baxaan hub iyo saanad lagaga tagey goob xero tababar milateri ay ku qaadan jireen maleeshiyooyinkii Canfarta ee dagaalka kula jiray dawladda Jabuuti.

 

Maleeshiyada Canfarta ayaa la sheegeyaa inay Boorama ka baxeen markii ay Magaalada qabsadeen xoogagii SNM 1991-kii, iyadoo aanay cidi ogeyn inay hubkoodii waagaas qaateen iyo inay kaga tegeen goobtaas ay deganaayeen.

 

Qaar ka mid ah madax dhaqameedyada reer Boorama oo soo hadal qaaday maleeshiyo beeleedadan laba toddobaad ka hor ayaa sidoo kale ku dooday inay dul degeen dhul beereed ay iska leeyihiin dad aanay isku hayb ahayn maleeshiyo beeleedkan la sheegayo inay halkaas degeen.

 

Goobta la sheegay inay maleeshiyadaasi soo degtay oo aan isku dayey inaan wax ka ogaado ayaanay ii suurtagelin, sababo badan awgood marka laga eego dhul buureedka iyo dooxyada loo marayo iyo dareenka maleeshiyooyinka oo kolleyba aan oggolayn ama shaki ka qaba cid soo dhexgasha ama usoo dhawaata meelaha lagu sheegayo inay joogaan.

 

Taliyaha saldhiga Booliska Boorama, Muuse C/laahi Hanfi oo aan wakhtigii warkan maleeshiyadaasi soo baxay oo ahayd laba toddobaad ka hor, aan wax ka weydiiyey waxa ka jira arintan, ayaa hadalkiisa ku soo gaabiyey "marka ay wax kala caddaadaan ayaan kuu sheegi doonaa, balse haatan arrintaa waan baadhaynaa mana arag ilaa imika hub ay sitaan, aniga iyo maayarkuna imikaaban tagnay meeshaas oo maaha beer iyo jago dad leeyahay toona”

 

Maleeshiyo beeleedkan ayaa sidoo kale waxay dadka qaar ah dadweynuhu ku xamanayaan inay ka dambeeyaan saraakiil hore uga tirsanaan jirtay ciidamadii Siyaad Barre oo reer Boorama ah, kuwaas oo siday ku doodayaan dadkaasi arrintan ka dhiganaya mashruuc ay dano gaar ah ku fushanayaan iyo arrimo siyaasadeed oo meelo kale laga soo maleegay.

 

Wararka kale ee la xidhiidha maleeshiyo beeleedkan ayaa sidoo kale haddii ay dhab noqoto ujeeddadooda ah inay hub iyo saanad lagaga tagey wakhtigii Siyaad Barre ku qarsadeen dhul beereed dad leeyahay ay arrintaasi keeni kartaa xasilooni daro ku soo korodha magaalada Boorama taas oo wakhtigan dadweynaheedu ku jiraan xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo kala qaybsanaan ka dhalatay shirweynihii xisbiga Kulmiye ee Burco.

 

Ilaa imika ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya ujeedada maleeshiyo beeleedyadaasi, tiradadooda hubka ay sitaan iyo dhulbeereedka la sheegay inay xoog ku dull degeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this