Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Al-Dayf: Ninka sida weyn ay u raadinayso Israa’iil oo la bartilmaameedsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in duqeyn lagu garaacay deegaanka Al-Mawasi ee Khan Yuunis “in lagu bar-tilmaameedsaday Mohammed Dayf,” oo ah taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, kuwa kalena waa lagu dhaawacay xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay bartilmaansadeen Mohammed al-Dayf iyo Rafex Salama, kuwaasi oo ka mid ahaa sida ay sheegeen kuwii lahaa qorshayaashii weerarkii 7-dii October.

Warka ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa intaa ku daray in duqeynta ay ka fuliyeen goob xidhan oo ay maamulaan Xamaas, halkaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen Xamaas oo kaliya balse ayna jirin shacab ah.

“Ma jirto wax xaqiijin ah oo sheegaya in hoggaamiyaha ka tirsan Xamaas Mohammed Dayf lagu dilay duqeynta ka dhacday koonfurta Qasa,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id qabtay.

Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in “eedaynta Israa’iil inay tahay isku day ay ku qarinayso baaxadda xasuuqii foosha xumaa.” Kooxda ayaa ku tilmaantay duqeynta Al-Mawaasi mid aad u fool xun.

Waa kuma Maxamed Al-Dayf

Maxamed Dayib Almasri, waa Falastiini ku dhashay Qasa sanadkii 1965-tii intii agaas ay gacanta ku hayeen Masar.

Qoyskiisa ayaa ahaa qaxooti sanadkii 1948-dii ka soo barakacay tuulada Al-Qubeyba una guuray Qasa, halkaasoo uu ku soo koray xerada qaxootiga Khan Yuunis, wuxuuna ku sugnaa halkaas noloshiisa oo dhan.

Wuxuu ka soo jeeedaa qoys sabool ah, waxaana uu kala shaqayn jiray aabihiis samaynta alababta guryaha. Waxa kale oo uu sameeyay beer lagu dhaqo digaagga oo uu kaga shaqayn jiray darawalnimo. Mararka qaar Dayf, waxaa uu joojin jiray waxbarashada si uu qoyskiisa ugu caawiyo baahiyaha asaasiga ah.

Muxamed Al-Dayf, waxa lagu naanaysi jiray “Abu Khaled”, naanaystani waxay ka raacday markii uu door jilid ah ka qaatay mid ka mid ahaa riwaayadihii wakhtigii uu jaamacada ku jiray, taas oo ahayd ruwaayadii “The Clown”, taas oo uu ku jilay doorka “Abuu Khaled”.

Sheekada riwaayada ayaa xambaarsanayd nin taariikh lahaa oo noolaa xilligii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta.

Waxaa kale oo mararka qaar loogu yeeri jiray sarbeeb ahaan ‘Marti’ oo loola jeeday in qaab nololeedkiisa oo dhan ahaa mid guur guura si uu uga badbaado duqaymaa Israa’iil.

Inkasta oo qoyskiisa ay faqri yihiin, Maxamed Al-Day, f aabihiis ayaa ku adkaystay in carruurtiisu ay waxbarasho helaan.

Wuxuu shahaadada heerka kowaad ka qaatay jaamacada Islaamig aah ee Qasa, halkaas oo uu ku bartay cilmiga fiisigiska, kimisteriga iyo biology-ga. Wuxuu lahaa xiiso sarreeya oo dhank fanka ah intii uu jaamacada dhiganyey.

Ku biiritaankiisii ururka Xamaas

Al-Dayf, intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku milmay “fikir Islaami ah”, sidaa awgeed waxa uu ku biiray Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka mid ahaa hawl-wadeenadii ugu caansanaa ee wakhtigaas ka hawl-geli jiray Isbahaysiga Islaamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this