Sign in to follow this  
Deeq A.

Tabobarahii Kooxda Qaranka Ee England Gareth Southgate ayaa is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulaha qaranka England Gareth Southgate ayaa shaqada iska casilay labo maalin kaddib markii Spain ay ka adkaatay ciyaariyihii Yurub ee sanadkan.

Xulkiisa ayaa looga badiyay 2-1 ciyaartii finalka Axadda ee Berlin. Waa guuldaradii labaad iyagoo jooga finalka ay la kulmaan. Sanadkii hore Talyaaniga ayaa rigoorooyin kaga adkaaday ciyaartii ka dhacday Wembley.

Southgate waa 53 jir, sideedii sano ee uu xilka hayay waxay dheeleen 102 kulan. Heshiiskiisa ayaa ku ekaa dhammaad sanadkan.

“Sharaf ayey ii aheyd in aan England u soo ciyaaro hadana aan maamule u noqdo” ayuu yiri Southgate oo intaas ku daray “wax weyn ayey ii aheyd, waxna ma reeban. Waxaa la joogaa waqtigii isbeddel imaan lahaa iyo qeyb cusub”.

Madaxa xiriirka kubbadda cagta, Mark Bullingham, ayaa sheegay in ay socoto shaqada cidda beddeli laheyd Southgate.

Southgate inta uu hayay xilka waxa uu England geeyay afar tartan oo caalami ah isagoo gaarsiiyay semi-finalkii koobka adduunka.

Cadaadis ayaa la saaray iyadoo taageerayaal badan ay aaminsan yihiin in uusan wax badan ka qaban weeraryahanada kartida leh.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ku tuutay koobab caagag ah kaddib markii ay barbar dhac 0-0 ah la galeen Slovenia ciyaarihiin Euro.

Amiirka Wales, William oo ah madaxa xiriirka kubadda cagta ayaa uga mahadceliyay Southgate in uu abuuray naadi isgarab taagan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this