Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: TFG delegation arrive in Puntland

Recommended Posts

Wafti ka socda Dawlada dhexe ee somaliya uuna hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Maxamed guuleed gacmo dheere oo laga sugayo bosaso.

 

Magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland waxaa saaka laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo loogu jiro soo dhawaynta wafti heer sare ah oo ka socda Xukuumada Somaliya kaasoo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka soo dago garoonka diyaaradaha ee Bandar qasim International Airport.

 

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in waftiga ay ka mid yihiin xubno wasiiro ah,xildhibaano iyo sidoo kale xubno kale oo aan wali la shaacin, waftiga ayaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan xukuumada Puntland iyadoo raisal wasaaraha somaliya oo lagu waday inuu yimaado Puntland uu baaqday wada hadalo u socda isaga iyo madaxwaynaha awgood.

 

Waftiga ayaa sidoo kale lagu wadaa inay booqdaan kuliyada ciidamada Xooga dalka Somaliyeed ee Degmada Carmo halkaas oo tababar loogu soo xiri doono boqolaal ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyeed oo tababar mudo sanad ku dhaw uga socday Degmada carmo ee gobolka Bari.

 

Wixii soo kordha haka dheeraan allmudug.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo Puntland tagey.

26. september 2007

 

Boosaaso(AllPuntland)- Wafdi ka socda dowlada Dhexe ee Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor ka dagey Magaalada Boosaaso waxaana wafdigaasi gaarayaan 22 xubnood oo iskugu jira wasiiro ,wasiiro kuxigeeno ,taliyaal ciidan iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada dowlad gobaleedka Puntland.

 

Wafdigaan waxaa siweyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha xilka Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland iyo Dadweynaha magaalada Boosaaso.

 

Wafuudan ayaa waxa ay isla markiiba ugudbeen magaalada Carmo halkaasi oo ay tababar ugu soo xirayaan Ciidan Boolis ah isla markaana ay dib ugu laabtaan magaalada Boosaaso oo ay caawa wada hadaladu ka bilaabanayaan.

 

Xubnahan waxaa hogaaminaya sida wararku sheegayaan Wasiirka Arimaga gudaha Maxamed Maxamuud Guuleeed ,waxaana xubno ka ah wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cali C/laahi Cosoble iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale iyo Xildhibaano kale oo baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah.

 

Marka ay ku laabtaan xubnahan Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay bilaabayaan wada hadalo xasaasi ah oo ay la yeelanayaan Masuuliyiinta dowlada Puntland ee jooga magaalada Boosaaso sida wararku sheegayaan.

 

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Wafdi balaaran oo ka socda DFKMG oo laga sugayo Boosaaso

 

War goor dhaweyd ku soo dhacay warqabadka SBC ayaa sheegaya in wafdi balaaran oo ka socda DFKMG ah ay ku soo fool leeyihiin saacadaha soo socda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Wafdigan oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxay isugu jiraan Wasiiro, wasiir kuxigeno iyo xildhibaano waxaana hogaaminaya Wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed (Gacmadheere), waxaana ka mid ah wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, wasiir kuxigeenka maaliyada iyo xubno kale.

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf Faroole oo goor dhaweyd khadka Telefoonka ugu waramayey Warbaahinta caalamiga ah ee SBC ayaa sheegay in wafdigan ay imaan doonaan duhurnimada maanta magaalada Boosaaso, isagoo sheegay Gudoomiyuhu in ay wadaan abaabul balaaran oo ku aadan soo dhaweynta wafdigan balaaran ee ka socda DFKMG ah.

 

Warar SBC ka heshay dad wargal ayaa waxay tibaaxayaan in wafdigan ay laba arimood u imaanayaan Puntland waa tan koowaaden in wasiirka arimaha gudaha uu tababar u soo xiro 600 oo ka mid ah ciidamada Booliiska oo tababar uga socdey degmada Carmo iyo in meel la isla dhigo mad madow ku dhexjira DFKMG ah iyo Puntland oo ku aadan shidaal baarista, iyadoo sharciga shidaalka ee haatan horyaal Baarlamanka KMG ah ay Puntland ka biyo diidan tahay, taasi oo ay ka shaki qabto in uu lidi ku yahay heshiisyadii hore ee Puntland la gashey shirkado shisheeye oo shidaalka baara.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^^The media was reporting he would be arriving in Puntland adeer.

So the media you quoted are not reliable?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^As with any form of information there is room for error. A 4% chance in this case.

 

Though a top level delegate has arrived in Puntland including the Police chief, Ministers and so on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Though a top level delegate has arrived in Puntland including the Police chief, Ministers and so on.

War hedhe I dont want 'though' from you sxb, give me solid reasons as to why the PM is not in the delegation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^^lool. Adeer that would be telling.

Looooooooooooooooooooooooooooooooooool..!

Ok Duke thanx for telling, I promise you I wont ask you again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this