Deeq A. Posted July 15, 2024 Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen halka labaatan kalena ay ku dhaawacmen ka dib qarax loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyey oo la dhigay bannaanka meherad ku taalla Muqdisho Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxadida Top Coffee, oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho oo ah goob aan sidaasi ugu fogayn madaxtooyada Soomaaliya. Xilliga qaraxu haleelay goobta ganacsi waxay ahayd goor caweysin ah oo dhalinyaro badani oo ku sugnaa maqaaxida ay daawanayeen fiinaalka ciyaartii dhexmartay xulalka Ingiriiska iyo Spian Sawiro laga qaaday ayaa muujinayey holac, uuro iyo qiiq qariyey goobta iyadoo sidoo kale qaybo ka mida maqaaxida uu soo gaaray burbur sida ay goob joogayaal u sheegen BBC-da. Goobta wax ka dhaceen ayaa ku taalla aag aad loo ilaaliyo oo ay ku yaallaan xarumaha dowladda sida madaxtooyada, barlamaanka, xarunta haya’adda nabad sugida iyo hoteelo ganacsi. Dhammaan wadooyinka laga soo gala halkaas waxaa ku yaalla baro kantarool oo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda. Sidee wax u dhaceen Maxamed Muuse Tarsan, oo ah wariye ka howlgala Muqdisho kana mid ahaa dadkii ciyaarta ku daawayey goobta ka hor inta aanu qaraxu dhicin ayaa BBC-da u sheegay in goobtu ahayd mid camiran oo ilaa boqol qof ka badan ay ku sugnaayeen qaybta barxada ee maqaaxida. Tarsan, ayaa dhowr iyo soddon daqiiqo ka hor intii aanu qaraxu dhicin baahiyey muuqaal uu iska duubay oo muujinaya dareen deegganansho leh oo ka jiray goobta iyo sidii xamaasad lahayd ee dhalinyaradu u daawanayeen ciyaarta. “Annagoo qaybta hore ee ciyaarta daawanayna ayaan hal mar maqalnay qarax xooggan, oo argagax lahaa, daqiiqado cabsi lahaa ka dib waxay noqotay in qofkastaa uu raadiyo sidii u badbaadi lahaa” ayuu yiri Tarsan. Wuxuu sheegay in cabsida kale ay ahayd in halkii albaab ee ay meharadu lahayd oo ku yaallay dhanka laamiga uu noqday halka qaraxu ka dhacay oo aysan jirin meel kale oo la aadi karay. “Holac ayaa qariyey albaabka, marka waxay noqotay inay dadku u yaacaan dhanka darbiga oo ilaa labo mitir dherer ahaan dhamaa ayna ka daataan iyagoo ka sii tafayey dhanka suuliyada, taas lafteeda ayaa ahayd mid welwel leh maadaama dadku xitaa ay is buuranayeen oo qofkasta uu doonayey inuu ahaado kan kowaad ee goobta ka baxo”ayuu intaas raaciyey Tarsan. Waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale dadku ay ka cabsi qabeen in koox hubaysani ay gudaha u soo galaan kareen goobta ka dib qaraxa. “Waxaan arkayey dad wada harjad ah, dad dhaawaca oo ku qaylinaya i badbaadiya iyo kuwa kale oo jaahwareersan, waxay ahayd arrin argagax lahayd”ayuu BBC-da u sheegay Wariye Tarsan Maxamed, isaga qudhiisa waxaa soo gaaray dhaawacyo yar intii uu ku jiray sida uu BBC-da u sheegay inuu ka boodo darbiga goobta. Khasaaraha ugu weyn ee qaraxa ayaa gaaray qaybta maqaaxida ee saaran wadada laamiga ah, halkas oo ay sidoo kale yaaleen gawaari fara badan oo ay lahaayeen macaamiishii ku sugnaa maxaaqida sida goob joogayaal u sheegeen BBC-da. Goob joogayaasha ayaa sheegay in khasaarahu ka badnaan karo inta ay boolisku Soomaaliya sheegeen, balse ma xaqiijin karaan tiradaas. Dhaawacyada ayaa lagu dabiibayaa isbitaallada magaalada Muqdisho. Iyadoo qaraxan uu ahaa mid ka mid ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada muddooyinkii danbe. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuulliyada qaraxaas. Magaalada Muqdisho ayaa beryihii danbe ahayd mid aan looga baran qaraxyada noocaan oo kale ah. Maalmo uun ka hor ayey ahayd markii iska hor imaad dhaliyey dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhacay xabsiga dhex ee Xamar kaas oo u dhaxeeyey ilaalada xabsiga iyo maxaabis ku jirtay xabsiga. bbcsomali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites