Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka Qaranka Spain oo Ku Guuleustay Koobka Euro iyo Sugitaanka Egland ee Koob oo 58 Jirsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xulka qaranka Spain ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga Euro 2024 ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen England ciyaar ka dhacday Olympiastadion, Tani waxay calaamad u tahay horyaalkii afaraad ee Yurub ee aan horay loo arag cid ku guuleysata waxaana ay ka gudubtay dalalkii sedexda heysta.

Fikirka u qabo England oo hadda dib u milicsan doona guuldarradii ugu dambeysay ee horyaalnimada Yurub iyagoo sii wada raadinta koob caalami ah, waxaana muddaas ay gaartay 58 sano, waxaana la filayaa in sanado kale ay sii sugaan raadinta koob caalami ah tan iyo sanadkii 1964-tii kadib 58 sano.

Xulka qaranka dalka Spain ayaa markii 4-aad hantay koobkaan, waxaana ay xalay u aheyd habeen kale oo xiiso badan marka loo eego dadaalka dheeraad ah ee kooxdu bixisay, waxaana guushooda ay dib u dhigtay hanka xulka qaranka dalka Egland, kuwaas oo raadinayay koobkoodii ugu horeeyay ay helaan.

Lamen Yamaal ayaa xalay noqday da’yarkii ugu horeeyay ee taariikhda koob caalami ah ciyaara, xilli uu jabiyay Record uu hore u dhigay Pele, kaas oo ciyaaray isagoo 17 sano iyo 213 maalmood dhalan, waxaana xalay uu siweyn ugu dabaal degay guushii uu gaaray ee koobka Euro 2024 oo ay hanteen.

“Runtii waa hadiyadda ugu fiican ee jirta. Waa riyo. Markaan wax sawiraneyno way adkeyd. Si adag ayay noo riixeen, laakiin waan ogahay waxa ay kooxdani ka samaysan tahay, laakiin mar walba waanu soo laabanaa, mar walba waanu badinaa.” Ayuu yiri da’yarka Spain Lamen Yamaal kadib guushooda.

“Farriimaha wanaagsani waxay horseedaan waxyaabo wanaagsan, waxaana aragnay sida Spain ay noo aaminsan tahay iyo si wanaagsan, waxaan rajeynayaa inay ku faanaan kooxdaan, wax walba oo soo socda mustaqbalka, sababtoo ah waad aragteen.” Ayuu yiri sidoo kale kabtanka Alvaro Murata.

Xulka qaranka dalka Spain ayaa koobka Finalissima kaas oo ay wada ciyaaraan xululka kusoo kala guuleysta koobka Euro iyo America, waxaana rumooday in ay isku arkaan xidiga Barcilona soo wada maray Messi iyo ninka la leeyahay waxaa uu noqon doonaa mustaqbalka badalaya hibadiisa kubadda.

Community Verified icon Community Verified icon

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this