Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shaaciyay in Xildhibaannada Qaar Carqalad Ku Yihiin Shaqada Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabku ay carqaladaynayaan, islamarkaana ay ku cayaarayaan shaqada golaha.

Guddoomiyaha ayaa xusay in mudaneyaal magaalada Muqdisho ku sugani ay caadaysdeen inay fadhiyada golaha ka maqnaadaan, ayagoo caafimaad qaba, cudurdaarna aan lahayn, taas oo mararka qaar keenta in tirada loo baahanyahay markii xeer la ansixinayo ama arrin laga doodayo ay buuxsami wayso.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa ku hanjabay in xildhibaanadaas magacyadooda uu yeerin doono, islamarkaana tillaabada xeer hoosaadka goluhu qabo laga qaadi doono wuxii hadda ka dambeeya.

Xubnaha golaha Shacabka oo kamida kuwa ugu mushaarka badan masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa qaarkood lagu eedeynayaa inay imaanshaha fadhiyada muhiimka ah ee Baarlamaanka dhayalsadaan oo aanay soo xaadirin.

Guddoomiyaha oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri””Xildhibaanada Shaqadeena waxaa naga muuqato Daal badan,Xildhibaano Magaalo joogo ayaa ku ciyaarayo Baarlamaanka”, hadalkiisa ayaa imaanaya xilli kalfadhigii5-aad ee golaha la furay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this