Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda UK- Ayaa ku dhawaaqaday qorshooyin ay ku sii deyneyso maxaabiis

Recommended Posts

Deeq A.   

4958b370-41e9-11ef-96a8-e710c6bfc866.jpg

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqaday qorshooyin ay ku sii deyneyso maxaabiis ka hor waqtigooda si loo joojiyo in xabsiyada England iyo Wales aysan buux dhaafin.

Xoghayaha cadaaladda UK, Shabana Mahmood, ayaa la filayaa in ay sameyso qorshooyin degdeg ah oo lagu sii deynayo maxaabiis si boos loo helo.

Tallaabada ugu horeysa ayaa noqoneysaa mid heer heer ah. Maxaabiista 40% dhameystay xabsigooda ayaa la sii deynayaa sida ay sheegeen ilo dowladda ah.

Nidaamka hadda jira waxa uu ku saleysan yahay maxaabisita dhameysata 50% intii ay ku xukunnaayeen ayaa la sii daayaa. Waxaa jiri doono kuwa laga reebyo dabaqadaas. Waxaana ka mid ah kuwa gala dambiyada rabshadaha iyo faraxumeynta.

Bishii Maarso ee sanadkan waxay dowladdii muxaafidka ee doorashada looga adkaaday ku dhawaaqday qorshooyin maxaabiista lagu deynayo labo bilood ka hor waqtigooda si loo yareeyo ciriiriga xabsiyada.

Xoghayihii hore cadalaadda UK oo la hadlay barnaamijka Today ee BBC ayaa sheegay in ay jiraan qorshooyin kale oo dheeri ah oo lagu sii deynayo maxaabisita dhameystay 40% xukunkooda balse waxaa jiray cabsi laga qabay in uusan baarlamaanka taageereynin.

 

xabsi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Raysalwasaare Keir Starmer oo hadda Washington kaga qeybgalaya shirka NATO ayey wariyayaasha weydiiyeen waxa uu ka ogyahay xaaladda qarashaadka lagu bixiyo howlaha guud ilaa inta uu xafiiska yimid.

“Waxyaabaha qaar aan ogaanay waa naxdin, ma ahan wax badan oo dhinaca dhaqaalaha ah, laakiin waa in aan sheegaa, waa xabsiyada” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan aheyn xaalka siduu filayay.

“Xaaladda way ka xuntahay sidii aan u maleynayay. Aad ayaan uga naxay in la ogolaaday in heerkaas ay gaarto. Waa taxadar la’aan in la ogolaaday in ay heerkaas gaarto”

Toddobaadkii la soo dhaafay, ururka maamulka xabsiyada oo wakiil ka ah 95% madaxda xabsiyada England iyo Wales ayaa ka digay in maalmo gudahood aan la heleyn meel dadka lagu xiro.

Xoghayihii hore cadaaladda, Alex Chalk ayaa ku sheegay sababta keentay in xabsiyada buuxsamaan in ay ka timid aafadii karoona markaas oo dib u dhac ku yimaadeen kiisaska xabsiyada.

Xabsi

Mr. Chalk oo sidoo kale aan doorashada ku soo bixin waxa uu sheegay in ay aheyd in dad badan xabsigooda laga dhigo midka lala soconayo.

Mar la weydiiyay sababta uusan taas u hirgelin waxa uu ku jawaabay. “Waa in aad ogsoonaataa in culeys uu jiray, sida aan ognahay waa in aad ka dhaadhicisaa baarlamaanka si hore loogu sii socdo”

“Way iska cadeed in muhiimadda aheyd in codeynta lagu guuleysto”

Sidoo kale waxaa la weydiiyay hadii raysalwasaare Rishi Sunak uu horjoogsaday isbeddelka, Mr. Chalk waxa uu ku jawaabay in uu san ka hadleyn arin si hoose looga hadlay balse wuxuu yiri: “Macquul ayey aheyd in laga hadlo waxa baarlamaanka la horgeynayo iyo waxa kale.

Wuxuu kaloo sheegay xoghayaha cadaaladda ee cusub, Shabana Mahmood, in looga baahan yahay in ay noqoto qof daacad ah oo lagu aaminikaro qorshooyinka mustaqbalka fog. In la siidaayo maxaabiis ka hor waqtigood culeyska ayey dowladda ka qaadeyso 18 bilood oo aysan qiimo intaas ka badan laheyn wixii intaa ka dambeeya.

Wuxuu su’aal ka keenay in hadii ay macno sameyneyso in la dhsio xabsi cusub oo ay ku baxeyso halkii qol £600,000 halkii isbitaal laga dhisi lahaa hadii aan dhaqaalo la hayn.

Xisbiga shaqaalaha ee hadda dalka xukuma ma faahfaahin qorshaha mustaqbalka fog balse magacaabsita James Timpson ee laga dhigay wasiirka xabsiyada ayaa muujineysaa tallaabo cusub. Timpson oo ganacsigiisa dayactirka kabaha ay ka shaqeeyeen maxaabiis hore ayaa aaminsan in la xiro oo kaliya saddex meelood meel.

Scotland waxay qorsheyneysaa in ay sii deyso 550 maxbuus oo inta u hartay ka yartahay lix bilood. Sanadkii hore Scotland waxay baarlamaanka marsiisay xeer lagu yareenayo tirada ku jirta xabsiyda

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this