Sign in to follow this  
Deeq A.

Waan ka xumahay in Professor Samatar oo aan u tanaasulay in uu tartankii ka hadho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa aan ka mid ahaa dadkii u diyaar ka ahaa in ay qayb ka noqdaan Siyaasiyiintii fursada u haysatay in ay urur siyaasadeed furtaan wakhtigii la furay ururada siyaasada. Taageero Iyo Guubaabo bulsho labadaba way jirtay, sababta keliya ee aan wakhtigaa uga hadhay dadkii ururada furanayay waxay ahayd in aan siiyo Professor Samatar oo nin weyn ahaa fursada, taageernona ururkiisa. Waanan garab joogsaday wakhtigii ugu adkaa oo bilowgii shaacinta ururkaa.

Waan ka xumahay in Professor ku go’aansaday in uu ka hadhay tartankii. Intayadii lahayd hanka in ay furtaan urur Siyaasadeed ee dar tii dhinac u joogsatay waxa hortaal suaalo waaweyn. Sidaa darteed waxa aan maanta u soo kicitimay dalkii oo aan mudo ka maqnaa si aan hawlahaa soo kordhay iyo kuwa kale oo khuseeya dalka oo dhan iyo gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Salal Iyo Gabiley ba aan wixii karaankayn ah aan qayb ka noqdo.

Waa muhiiim in wakhtigan oo kale ninkasta oo dan ka leh deganaanshaha iyo GEEDI socodka siyaasada iyo wada noolaa shaha umada reer SOMALILAND Bari iyo Galbeedba uu miidaanka is keeno, wixii la gudboona uu ka guto.

#Cadaalad, #Sinaaan, #Midnimo iyo #Wadajir uun bay SOMALILAND ku waari kartaa.

#Somaliland #Guul

Awale Shirwac

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this