Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Diiradda Lagu Saaray Shirka Uga Furmay Muqdisho Wasaarada Shaqada ee Labada Heer?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Muqdisho shir uga furmay masuuliyiin ka kala socata Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, Guddiyadda heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee Shaqaalaha Rayidka.

Shirkaan oo muhiim ah ayaa diirada lagu saari doonaa dib – u- habeynta maamulka Shaqaalaha Dowladda iyo horumarinta hannaanka shaqada iyo shaqaalaha dowladda labadeeda heer, waxaana sidoo kale lagu gorfeyn doono horumarinta sharuucda iyo casriyeynta siyaasadda jaangoynta darajooyinka mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay dhisada iyo horumarinta xirfada iyo dib u habaynta Shaqaalaha Dowladda Labadooda heer. Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadcelinayay mashruuca SERP ee xoogga saara Xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay sida muhiim u tahay wadashaqeynta iyo isku xirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada labada heer ee Dowladda iyo Guddiga Shaqaalaha Qaranka ee Rayidka ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya Wasiirada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee labada heer ee Dowladda. Shirkaan oo labo maalin ah ayaa la soo gabagabeyn doonaa maalinta berri ah iyadoo laga sooo saari doono War-murtiyeedka wada jir ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this