Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka iyo Sharciyada Maanta Lagu Meelmarinayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulanka 2-aad ee Kalfadhiga 5-aad, iyagoo ka doodaya dhismaha hay’adaha madaxa bannaan ee aan miisaaniyadda lahayn.

Kulanka oo uu shirgudooominaya guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe), ayaa sidoo kale, waxaa looga hadlayaa  hindise-sharciyeedyada kala ah maalgashiga iyo shaqada Soomaaliyeed.

Maanta ayaa sidoo kale kulanka waxaa lagu wadaa in lagu ansixiyo Hindise Shaciyeedyo kasoo gudbay golaha Wasiirrada, xildhibaannada ayaa dood adag ka yeelan doono qaarkood, kumada golaha ayaa hore laba jeer dib ugu dhacay Kooram la’aan.

Sharciyada manta la meelmarinayo ayaa waxaana ay ka kala yimaadeen Wasaaradaha qorsheynta iyo wasaaradda shaqada, kuwaas oo kala ah Maalgashiga Soomaaliya iyo sharciga Shaqaalaha, waxaana lagu wadaa in manta golaha ay meelmariyaan.

Baarlamaanka 11-aad labadiisa aqal oo Kalfadhigii 5-aad uu u furmay ayaa waxaa horyaallo sharciyo dhowr ah, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin sharciga doorashooyinka iyo kuwa kale xilli dastuurka dib doodiisa loo bilaabayo cubyda 5-8 ee Dastuurka.

image-1-576x1024.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this