Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Ammaanka oo Soo Afjaray Weerarkii Xabsiga Dhexe Maxaa Khasaaraha Ka Dhashay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar lagu qaaday  xabsiga dhexe ee xamar, ayagoo toogtay dhammaan dablaydii gudaha ka dagaalamaysay oo ka tirsanaa Maxaabiista, waxaa iyana howlgalka intii uu socday ku geeriyooday 2 askari.

Askarta ku geeriyootay ayaa ka tirsanaa ilaalada xabsiga, halka  dhowr askari oo uu ku jiro taliyaha kooxda Baanda Music ee Asluubta ay ku dhaawacmay sida ay xaqiiiyeen saraakiisha xabsiga oo ka hadlay weerarka subaxaan lagu qaaday gudaha Xabsiga Dhexe.

Ciidanka Miino baarista ayaa baaris ka wada gudaha xabsiga, waxaana goordhow Warbaahinta la hadlaya Taliska ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed Janaraal Mahad Aadan oo faah faahin doona waxa dhacay iyo sababta falkaan uu ku yimid.

Weerarka xabsiga dhexe oo ah goob nabad-galyadeeda aad loo ilaaliyo ayaan illaa hadda la ogeyn sida uu ku suurta-galay, balse dowladda ayaa sharraxaad laga sugayaa, waxaana isha lagu wada hayaa warka ay arrintan ka soo saari doonto.

Weerarkaan ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa dhowr weerar oo sidaan oo kale uga dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaas oo dhaliyay khasaare kale duwan, weerarkaan ayaa yimid kadib markii koox ku jirta gudaha ay hub heshay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this