Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidanka Asluubta oo Faahfaahiyay Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Xabsiga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii xabsiga dhexe ee xamar, ayagoo toogtay dhammaan dablaydii gudaha ka dagaalamaysay oo ka tirsanaa Maxaabiista Sida uu warbaahinta u faahfaahiyay Afhayeenka Ciidanka Asluubta G/Sare Cabdiqani Qalaf

Afhayeenka Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay gudaha Xabsiga dhaxe ee Xamar ay ku dhinteen 5 maxbuus halka 18 kalane ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale taliska ayaa sheegay in askarta dhimashada iyo dhaawacoodu uu gaarayo ilaa 6 askari.

Falkaan waxaa geystay Maxaabiis horay uga tirsanaa Shabaab oo dil toogasho ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida.

Ciidanka Miino baarista ayaa baaris ka wada gudaha xabsiga. taliska Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in lala xisaabtami doono cidii dambeysay in Maxaabiista ay helaab hub.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this