Sign in to follow this  
Deeq A.

Meta oo xayiraadda ka qaaday boggaga Facebook iyo Instagram ee Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda baraha bulshada ee Meta ayaa xayiraadda ka qaaday boggiisa Facebook iyo Instagram, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyadoo doorashada madaxtinimo ee dalkaas lagu wado in ay dhacdo bisha November.

Bogaggiisa ayaa la hakiyay 2021 ka dib markii uu ammaanay taageerayaashiisa xoogga ku galay dhismaha congreska 6-dii Janaayo.

Waxaa dib loo soo celiyay sanadkii hore laakiin waxaa si adag loo ilaalinayay waxyaabaha u ku qorayo, iyadoo loo jeediyay digniin ah in laga joojin doono mar kale haddii Mr Trump uu jabiyo shuruucda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this