Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Masar oo Adkeeyay Xiriirka u Dhexeeya iyagoo Bilaabay Khadka Duulimaadyada Tooska ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Jimce ah ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha, Mudane Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi oo tilmaan u ah bilashada waa cusub oo isgaarsiineed iyo iskaashi oo labada dal ee walaalaha ah yeeshaan.

Xafladda daah-furidda ayaa lagu qabtay Gegidda diyaaradaha Caalamiga, Aadan Cabdulle, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, waxaa madasha goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin muuqda oo ay ka mid ahayd Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wasiirka Duuliska Hawada ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Dr. Sameh Al-Hafni.

Munaasabadani ay muujinaysay sida ay uga go’an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashig Soomaaliya iyo Masar u dhexeeya si uu u xoojiyo is-dhexgalka gobolka.

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiir Axmed Fiqi waxa uu caddeeyay faaidada kala duwan ee khadka duulimaadka tooska ah ee cusub uu u leeyahay dalka, isaga oo sheegay inuu kobcinayo dhaqaalaha, xoojinayana dalxiiska, isla markaana uu soo jiidayo maalgeshiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ifiyay suuragalnimada inuu kobciyo is-dhaafsiga iyo wax is-weydaarsiga ganacsi ee labada dad oo u horseedaya labada dal fursado kobac aad u ballaaran.

Daahfurka khadka duulimaadka tooska ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna ka tarjumaysaa aragtida ballaaran ee labada dowladood ee ah inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, gaadiidka, duulista hawada, ganacsiga, dhaqanka, tacliinta sare, caafimaadka iyo tababbaro dhinacyo badan leh.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this