Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Digay Wicitaanka iyo Macaamilka Xubnaha Shabaab Ka Tirsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasbad lagu abaal-marinayay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Howl-wadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee doorka muhiimka ah ka qaatay qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobta ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliya ee dhanka Ammaanka Caasimadda, degmooyinka laga xoreeyay Shabaab iyo dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in dhammaan degmooyinka laga qabsaday shabaab wali ay ku jiraan gacanta dowladda oo laga ilaaliyay in dib looga soo baxo si ururka Shabaab ay si dib ugu qabsadaan.

Madaxweynaha ayaa mamnuucay in wax xiriir ah lala sameeyo xubnaha ku jira gacanta Shabaab. Wuxuu sheegay in qof lagu helo tilaabo laga qaadi doono.

“Ma wici kartid oo kuma soo wici karo qofka Ehelkaaga ah ee Argagixisada ah,Kii la macaamila Akoon u fura,Saacida ama qariya ha ogaado waa Dambiile” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxda Shabaab, waxaana laga saaray deegaanno badan oo ay ku sugnaayeen ka hor madaxweyne Xasan

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this