Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta u Baaqday Kooram la’aan

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan weynihii Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, ka dib markii la waayay tiradii loo baahnaa si uu furmo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay in isla xisaabtami doono.

Aaden Madoobe ayaa xildhibaannada aan fadhiga ka soo qayb gelin u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku tahay baarlamaanka isaga oo ugu digay in mar kale ay dhacdo.

Guddoonka Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu waddaa in uu yeeriyo Xildhibaanada maqan kulanka soo socda si ay u ogaadaan dadkii soo doortay.

Xildhibaanno badan ayaa ku maqan dalka dibadiisa wali oo aan soo xaroon xilli la furay kalfadhiga Xildhibaannada golaha shacabka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this