Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaskii Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil toogasho ah lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   
Abu-Bakr-al-Baghdadi-2019.jpg?resize=800

Maxkamad ku taalla Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaaskii hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay, Abu Bakar Al-Baghdadi, oo lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka haween Yazidi ah, sida ay sheegtay waaxda garsoorka dalkaasi.

Xaaska Baghdadi ayaa dib loogu soo celiyay Ciraaq kadib markii lagu xiray dalka Turkiga, ilo dhanka garsoorka ah ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyagoo qarinaya magacooda sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan.

Xaaska hogaamiyaha la dilay ayaa xirtay haweenka Yazidi-ga ah oo lagu magacaabi jiray Asma Mohamed kadib ay afduubteen dagaalyahanada Daacish ee ku sugan degmada Sinjar ee waqooyiga Ciraaq sida laga soo xigtay ilo wareedyada dhinaca garsoorka Ciraaq.

Xukuumadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday bishii October 2019 in ciidamada Mareykanka ay ku dileen Baghdadi howlgal ka dhacay waqooyi-galbeed ee Suuriya, shan sano ka dib markii uu isku magacaabay “Khaliifka” guud ee Suuriya iyo Ciraaq.

PUNTLAND POST

The post Xaaskii Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil toogasho ah lagu xukumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this