Deeq A. Posted July 10, 2024 Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo ku booqda caasimaddiisa dagaalka ee Port Sudan tan iyo markii uu billowday colaadda u dhaxeysa ciidanka dowlada Sudan iyo xoogagga RSF. Abiy, oo hore loogu arkayay inuu RSF uga dhow yahay ciidanka, isla markaana bishii December ku marti-geliyay Addis Ababa hoggaamiyahooda Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa booqashadiisa u qaabeeyey inay qayb ka tahay sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa Suudaan ka dib ku dhawaad 15 bilood oo colaad ah. Dagaalka u dhaxeeya kooxaha militariga Suudaan ayaa ku dhawaad 10 milyan oo qof ku qasbay in ay guryahooda ka barakacaan, waxaana qeybo ka mid ah dalkaasi ka abuurmay xaalado macluul oo kale ah. Iyadoo RSF ay qabsatay inta badan caasimadda Khartoum iyo badhtamaha iyo galbeedka Suudaan, ciidanku waxay maamulaan gobollada bari iyo waqooyiga, oo ay ku jirto Port Sudan, oo saldhig u noqotay. Wadahadalo ay marti galiyeen Sacuudiga iyo Mareykanka oo ka dhacay magaalada Jeddah ee looga golleeyahay in lagu dhexdhexaadiyo xabbad joojintii kal hore istaagtay iyo isku daygii lagu doonayay in ciidanka lagu soo celiyo miiska wada xaajoodka ayaan ilaa hadda guul dareysan. Ilo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Abiy uu fursad wanaagsan u heystay inuu horumar gaadho isagoo dhulka jooga.Booqashadan ayaa dhacday ka dib markii weerar ay RSF ku qaadeen gobolka Sennar ee koonfur bari bishii hore uu dagaalka ku soo dhawaaday xadka Sudan uu la wadaago Itoobiya. Bishii hore ayay ahayd markii beeralayda Sudan ee gobolkaasi ay sheegeen in Maleeshiyada Fano ee Itoobiya ay soo galeen dhulka Al Fushqa ay ku muransan yihiin labada dal. Abiy ayaa khudbad uu jeediyay Isniintii ku sheegay in dagaalka uusan ka faa’ideysan doonin in arrinta lagu dhameeyo, isla markaana dowladdiisa aysan la safan doonin dhinacyada isku haya dalka Sudan. Abiy ayaa xulafo la ah Imaaraatka Carabta oo ay ciidamadu ku eedeeyaan in ay taageero agab ah siiyaan RSF, eedeymaha Imaaraadku waa uu diiday balse khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in warkaas la aamini karo. Source Share this post Link to post Share on other sites