wacdaraha_aduunka Posted May 3, 2006 Muqdisho: Weerar Bambaano oo xalay lagu weeraray guriga Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir. Muqdisho: Weerar Bambaano oo xalay lagu weeraray guriga Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Cabdi Daahir. Wednesday, May 03, 2006 CCC Farayaamo Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soogaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay kooxo aan la garayn ay weerar Bambaano ku qaadeen guriga uu daggan yahay ugaas kamid ah ugaasyada Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Cayr/********** . Ugaaska gurigiisa la weeraray oo lagu magacaabo Ugaas Cabdi Daahir ayaa la xaqiijinayaa inaysan cidina dhimasho ama dhaawac kasoo gaarin, weerarkii gurigiisa lagu qaaday. Warka wuxuu sheegayaa in xalay kooxo mab watay ay guriga Ugaaska la beegsadeen xilli la hurday , waxaase la xaqiijiyay inuu bamku waxyeello gaarsiiyay gaadiid guriga yaallay. Ugaaska oo wax laga waydiiyay cidda qaraxaasi ka danbaysay ayaa sheegay inuusan asagu sheegi karaynin , hase ahaatee ay yihiin dad nabadda kasoo horjeeda Dhacdadan lagu weeraray Guriga Ugaaska ayaa ahayd mid dadwaynuhu ay aad ula yaabeen , ayagoo su'aalo iska waydiinaya cidda weerartay Ugaaska iyo ujeedada ay lahayd. Waa markii ugu horaysay oo si cad loo beegsado xubin kamid ah odayaal dhaqameedyada laga qaddariyo dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites