Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu cadaadinayo in uu Baarlamaanka ka madax-banneeyo Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1720513784439.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka kuwaasi oo diiddan in Baarlamaanka loo af-duubo Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo la kulmay Guddoomiye Aadan Madoobe ay si adag uga la hadleen Arrinta ku saabsan in Baarlamaanka laga madax-banneeyo Madaxtooyada

Illaa labaatameeyo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka oo la kulmay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sheegay in Ajandaha Madaxtooyada aan lagu sii wadi karin howlaha Baarlamaanka, sidaas darteed Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka Madaxtooyada iyo Xukuumadda.

Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii Guddoonka uu sii wado afduubka uu ku hayo howlaha Baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada Baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha uu qaadayo Guddoonka.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu cadaadinayo in uu Baarlamaanka ka madax-banneeyo Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this