Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hey’adda TSA oo Lagu Soo Dhoweeyay Garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ayaa waxaa ka qeyb galay hay’adaha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka socotay hey’adda Mareykanka u qaabilsan amniga garoomada TSA, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Kulanka masuuliyiinta Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, Hay’adaha Amniga Garoonka iyo Hay’adda Duulista Rayidka oo dhinac ah iyo Hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this