General Duke Posted July 21, 2007 Ergo Ka Socota Somaliland Oo Soo Gaartay Mag. Muqdisho Muqdisho(Calanka.com) 21-Luulyo-2007 Shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed oo galay maalinkiisii sadexaad ayaa waxaa wali kusoo qul-qulaya caasimadda Somaliya ee Muqdisho ergooyinkii ugu danbeeyay ee ka qeyb gali lahaa shirkaas, kuwaasoo qeybtoodii ugu danbeysay oo ka socda gobolada waqooyi ee Somaliya soo cagadhigteen Garoonka Muqdisho. Diyaaradda soo qaaday ergadan gobolada waqooyi ee reer Somaliland ayaa waxa ey kasoo duushay saakay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ey kusoo gaareen gawaari kasoo qaaday magaalooyinka kala duwan ee gobolada waqooyi. Ergooyinkan kasoo dagay garoonka Muqdisho ee ka socda gobolada waqooyi ayaa waxa ey ku sheegeen dib u dhocooda in ey ka danbeeyeen maamulka halkaa ka jira oo hor istaagay in ey usoo dhoofaan dhanka Muqdisho, waxeyna intaa ku dareen in ey go`aan sadeen markaa ka dib in ey kusoo dhaqaajiyaan gawaari ilaa gobolada Puntlan dabadeedna kasoo raacaan halkaa diyaarad. Dhanka kale waxaa maalinkii sadexaad si habsami leh uga socda caasimadda Somaliya ee Muqdisho shirweynihii qaran ee beelaha Somaiyeed, waxaana gabi ahaan u dhamaa shirka maanta dhamaan ergooyinkii loogu talo galay ee shirka lagu casuumay. Waxaa sidoo kale maanta ka dhexmuuqday shirka imaamka beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo isagu ka maqnaa labadii cisho ee hore uu shirka furnaa, waxaa sidoo kale ka dhexmuuqday madasha shirka xubno raacsanaa garabka beelaha ****** ee mucaaradka ahaa iyagoo garab fadhiyay gudoomiyahooda Xaaji Cabdi Iimaan Cumar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 21, 2007 Somaliland Oo Wafti Usoo Dirtay Shirka Muqdisho Si Ay Uga Qaybgalaan (Hargeisa}21.7-7 Iyadoo maamulka isku magacaabay Somaliland ay kasoo horjeesatay ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka furmay Magaalada Muqdisho,ayaa haatan wafti balaadhan ay muqdisho usoo dirtay.................................... warar baa sheegay in waftiga somaliland ee muqdisho inay yihiin wafti si dhuumaaleysi ah uga soo ambabaxay hargeisa, waxaayna ka qeyb galayaan Shirka dibu heshiisiinta somalia, warar kalana waxay sheegayaan in waftigaasi ay kal horeba kasoo anba baxeen hareisa oo ay mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaayeen gudaha dowlad goboleedka Puntland. balse warar xog ogaala oo aanu ka helnay qaar kamid ah masuuliyiinta puntland ayaa sheegaya in Wafdiga ayba maanta kasoo duuleen garoonka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagona kusoo wajahan magaalada Muqdisho, si ay uga mid noqdaan ka qeyb galayaasha Shirka. Xubnahaas ayaa waxa ay sheegeen inay casuumaad ka heystaan gudiga Shirka dib u heshiisiinta qaran. ismaamulka sida gaarka ah isugu magacaabay Somaliland ayaa hore waxaa ay u sheegtay in aysan iyadu marnaba ka qeyb gali doonin Shirka ka soconayo magaalada Muqdisho, isla markaana ciddii iyada ka socota ee isku dayda in ay ka mid noqoto Ergada ka qeyb galeysa Shirka, ay u arki doonto inay gashay qiyaano qaran, sharcigana la horkeeni doono ciqaab adagna ay mutaysan doonaan. maamulkaas isku magacaabay Somaliland ayaa markii ay socotay qaban qaabada lagu uruurinayay Ergooyinka ka qeyb qaadanaya Shirka dib u heshiisiinta, waxaa ay xidhay wadada u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo laascaanood, si aan looga soo talaabin. widhwidhonline@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted July 21, 2007 Ergadi S/land miya kuwaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 22, 2007 Its a picture from the conferece adeer. Like this picture of the brave delegates inside Mogadishu Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 22, 2007 Ergooyin ka socoda Gobolada Waqooyi Galbeed oo maanta gaaray magaalada Muqdisho Ergooyin Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed uga qebgalaya Gobolada Waqooyi Galbeed ee uu ka taliyo maamulka Isku magacaabay Soomaaliland ayaa maanta galinkii hore ka dhoofay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyagoo kusii jeeda magaalada Muqisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Ergooyinkaa ka socoda Gobolada Waqooyi,Galbeed, ayaa maalmihii ugu danbeeyey kusugnaa deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo deegaanada maamulka Soomaaliland uu ka taliyo oga soo baxay baabuur kuna yimid magaalada Galkacyo, halkaas oo maanta galinkii hore ay ka qaaday diyaarad. Ergooyinkii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo ee kusii jeedey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo uu haatan si habsami leh uga soconayo shirkii dib uheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee kal hore ay ku dhawaaqaday dowlada Soomaaliya ayaa dib u dhocii ku yimid ku sheegay in ay ka danbeeyeen maamulka iskumagacaabay Soomaaliland, oo hor istaagay in ay usoo dhoofaan dhanka Muqdisho, waxeyna intaa ku dareen in ey go`aan sadeen markaa ka dib in ey kusoo dhaqaajiyaan gawaari ilaa gobolada Puntland dabadeedna kasoo raacaan halkaa diyaarad. Ergooyinkaa ka socoda Gobolada Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya,ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysaa ilaa 80-Xubnood kuwaasoo ka kala socoda dhamaan beelaha dagan Soomaaliland. Dhanka kale horey ayeey ahayd markii uu shaaciyey Madaxweynaha Maamulka isku magacaabay Soomaaliland,Daahir Riyaale Kaahin, in aysan jirin doonin ergooyin ka socoda maamulka Soomaaliland oo ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ay ku dhawaaqaday dowlada Soomaaliya , ee uu madaxda u yahay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf., taasi oo aad moodid in aysan hir galin maadaaba maanta ay magaalada Muqdisho u dhoofeen Ergooyin tiradoodu garayso 80- Ergo oo ka socoda deegaanada uu ka taliyo maamulka Soomaaliland. Sidoo kale waaxaa maanta magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhoofey Ergooyika socoda Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Ergooyinkaan ka socoda Soomaaliland, iyo Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarad ka qaaday magaalada Galkacyo, iyagoo Ergooyinkaas ku sii jeeda xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho, uu uu maalintii sadexaad ka socodo Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed. Said Ahmed Husein. Quote Share this post Link to post Share on other sites