Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Xisbullah oo duqeeyay saldhig Israa’iil ku leedahay buuraha Golan Heights

Recommended Posts

Deeq A.   
2b0f1464-d8b7-4c5d-85be-a2134c02f2be_cx0

Ururka Xisbullah ee Lubnan ayaa sheegay, in ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Israa’il.

Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka.

Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta.

Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Israa’iil billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza.

Xisbullah ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Isra’il, marka ay Isra’il joohiso dagaalka ay ka waddo Gaza.

Ciidanka Israa’iil aanan wali war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Isra’il ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan.

PUNTLAND POST

The post Ururka Xisbullah oo duqeeyay saldhig Israa’iil ku leedahay buuraha Golan Heights appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this