Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbullah oo duqeysay saldhig ay Israa’iil ku leedahay buuraleyda Golan 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa Axaddii sheegay, in ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Israa’iil.

Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka.

Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Israa’iil iyo Carabta.

Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Israa’iil billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Gaza.

Xisbullah ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Israa’iil, marka ay Israa’iil joohiso dagaalka ay ka waddo Gaza.

Ciidanka Israa’iil aanan wali war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Israa’iil ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this