Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale to Visit US Again

Recommended Posts

Madaxweyne Rayaale oo lafilayo in uu si deg deg ah ugu anbaboxo mar labaad

Magaalada Washington.

 

 

Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayale Kahin ayaa lafilayaa in uu dhawaan bishan badhtankeeda socdaal

ugu anba boxo markale magalaadada Washington ee xarunta dalka maraykanka , sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah

oo kusugan magaalada Washington waxaa tani ay kadanbaysay kadib markii markale madaxweynuhu martiqaad

kahelay wasaarada arimaha dibeda ee maraykanka , lama oga sababta keentay in markale madaxweynaha lagu

casuumo maraykanka iyadoo ay ahayd uun bishii January markii madaxwyne rayaale uu socdaalka kutagay halkaas

iyadoo uu wakhtigaasna kahelay maraykanka martiqaad rasmiya , waxaa ilahan xogogaalka ah oo kudhaw xafiiska

dawlada Somaliland ee magaalada Washington sheegeen in wakhtigan uu jiro dhaqdhaqaaq xoogleh oo dawlada

maraykanku ugu jirto sidii ay Somaliland ulasamaysanlahayd xidhiidh aad usokeeya oo dhinacyo badan leh , sida ay

xaqiijinayaan ilahaas xog ogaalka ahi waxaa madaxweyne rayaale lafilayaa in uu lakulmo Kaaliyaha xoghayah

arimahandibeda ee maraykanka uqaabilsan Africa miss Jandaya Frazer iyo masuuliyiin kale oo katirsan Aqalka cad ee

maraykanka, iyo Wasaarada Gaashaandhiga ee Pentegonka,

Majiro wax wara oo rasmiya oo kazoo baxay dhinaca dawlada Somaliland , haseyeeshee masuuliyiin katirsan dawlada

Somaliland oo aanu laxidhiidhnay si ,aanu arintaas wax uga waydiino way kagaabsadeen xaqiijinta ama beeninta

warkaas , hase yeeshee magaalada washinton oo aanu laxidhiidhnay dad udhashay Somaliland ee siweyn ulasocda

arimaha siyaasada ee dalka ayaa xaqiijiyay hadal haynta jiritaanka warkaas.

 

Sida laga wada warqabo waxaa dhawaanahan soo baxayay xidhiidh diblamaasiyadeed oo aad usokeeya oo

kadhexeeya Somaliland iyo maraykanka, Madaxweyne Rayaale ayaa bilawgii sanadkan waxaa uu socdaal rasmiya

kutagay Washington iyadoo ay halkaas kulakulmeen masuuliyiin kala duwan oo katirsan Wasaarada Arimaha dibeda

iyo Gaashaandhiga ee Maraylanka, dhinaca kale waxaa jirtay in kaaliyaha xoghayaha arimaha dibeda maraykanka

uqaabilsan arimaha Africa Miss Jandaya Frazer ay socdaal kutimid Somaliland iyadoo halkaas kula kulantay

Madaxweyne Dahir rayaale iyo masuuliyiinta sadexda xisbi siyaasadeed iyo ururka Qaran ee aan wali la,ansixin , waxaa

sidoo kale oo lasheegay in saraakiil kasocda ciidamada maraykanka ay socdaalo kuyimaadee Somaliland iyadoo aanay

wax war ahna xukuumada Somaliland kazoo saarin socdaaladaas , hase yeeshee waxaa muuqata in maraykanka iyo

dawlada Somaliland ee hogaamiyo madaxweyne rayaale ay xidhiidh aad udhaw leeyihiin ,waxaana siweyn loo hadal

hayaa in dawlada maraykanku doonayso in ay saldhiga milatari ee ugu weyn Geeska Africa kasamaysto magaalada

staraatiijiga ah ee Berbera.

Hadaba iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa suuro gal ah in sida lasheegay uu madaxweynuhu marlabaad socdaal ugu

baxo magaalada washinton. Waxaana lafilayaa in dawlada Somaliland war rasmiya kazoo saarto socdaalka

madaxweynaha.

 

 

Xaraf Net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this