Jacaylbaro Posted March 11, 2008 Madaxweyne Rayaale oo lafilayo in uu si deg deg ah ugu anbaboxo mar labaad Magaalada Washington. Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayale Kahin ayaa lafilayaa in uu dhawaan bishan badhtankeeda socdaal ugu anba boxo markale magalaadada Washington ee xarunta dalka maraykanka , sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo kusugan magaalada Washington waxaa tani ay kadanbaysay kadib markii markale madaxweynuhu martiqaad kahelay wasaarada arimaha dibeda ee maraykanka , lama oga sababta keentay in markale madaxweynaha lagu casuumo maraykanka iyadoo ay ahayd uun bishii January markii madaxwyne rayaale uu socdaalka kutagay halkaas iyadoo uu wakhtigaasna kahelay maraykanka martiqaad rasmiya , waxaa ilahan xogogaalka ah oo kudhaw xafiiska dawlada Somaliland ee magaalada Washington sheegeen in wakhtigan uu jiro dhaqdhaqaaq xoogleh oo dawlada maraykanku ugu jirto sidii ay Somaliland ulasamaysanlahayd xidhiidh aad usokeeya oo dhinacyo badan leh , sida ay xaqiijinayaan ilahaas xog ogaalka ahi waxaa madaxweyne rayaale lafilayaa in uu lakulmo Kaaliyaha xoghayah arimahandibeda ee maraykanka uqaabilsan Africa miss Jandaya Frazer iyo masuuliyiin kale oo katirsan Aqalka cad ee maraykanka, iyo Wasaarada Gaashaandhiga ee Pentegonka, Majiro wax wara oo rasmiya oo kazoo baxay dhinaca dawlada Somaliland , haseyeeshee masuuliyiin katirsan dawlada Somaliland oo aanu laxidhiidhnay si ,aanu arintaas wax uga waydiino way kagaabsadeen xaqiijinta ama beeninta warkaas , hase yeeshee magaalada washinton oo aanu laxidhiidhnay dad udhashay Somaliland ee siweyn ulasocda arimaha siyaasada ee dalka ayaa xaqiijiyay hadal haynta jiritaanka warkaas. Sida laga wada warqabo waxaa dhawaanahan soo baxayay xidhiidh diblamaasiyadeed oo aad usokeeya oo kadhexeeya Somaliland iyo maraykanka, Madaxweyne Rayaale ayaa bilawgii sanadkan waxaa uu socdaal rasmiya kutagay Washington iyadoo ay halkaas kulakulmeen masuuliyiin kala duwan oo katirsan Wasaarada Arimaha dibeda iyo Gaashaandhiga ee Maraylanka, dhinaca kale waxaa jirtay in kaaliyaha xoghayaha arimaha dibeda maraykanka uqaabilsan arimaha Africa Miss Jandaya Frazer ay socdaal kutimid Somaliland iyadoo halkaas kula kulantay Madaxweyne Dahir rayaale iyo masuuliyiinta sadexda xisbi siyaasadeed iyo ururka Qaran ee aan wali la,ansixin , waxaa sidoo kale oo lasheegay in saraakiil kasocda ciidamada maraykanka ay socdaalo kuyimaadee Somaliland iyadoo aanay wax war ahna xukuumada Somaliland kazoo saarin socdaaladaas , hase yeeshee waxaa muuqata in maraykanka iyo dawlada Somaliland ee hogaamiyo madaxweyne rayaale ay xidhiidh aad udhaw leeyihiin ,waxaana siweyn loo hadal hayaa in dawlada maraykanku doonayso in ay saldhiga milatari ee ugu weyn Geeska Africa kasamaysto magaalada staraatiijiga ah ee Berbera. Hadaba iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa suuro gal ah in sida lasheegay uu madaxweynuhu marlabaad socdaal ugu baxo magaalada washinton. Waxaana lafilayaa in dawlada Somaliland war rasmiya kazoo saarto socdaalka madaxweynaha. Xaraf Net Quote Share this post Link to post Share on other sites