Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Door Intee Le’eg Ayay Ka Ciyaari Kartaa Ololaha Lagula Dagaalamayo Budhcad

Recommended Posts

Somaliland Door Intee Le’eg Ayay Ka Ciyaari Kartaa Ololaha Lagula Dagaalamayo Budhcad Baddeeda Somalia

 

Faallo – Axmed A. Cige

 

 

Tan iyo markii ay korodhay khatarta ay budhcada baddu ku hayso maraakiibta ganacsiga dunida ee maraya baddaha Somalia, taas oo sababtay inay indhaha caalamku si weyn ugu soo jeestaan arintan sidii wax looga qaban lahaa budhcad baddeeda afduubta maraakiibta ayay,

 

Qaramada midoobay soo saartay qaraar u ogolaanaya dawladdaha waaweyn inay ciidamadoodu geli karaan badaha iyo hawadda Somaliya, si loola dagaalamo budhcad baddeeda maraakiibta afduubta meel kasta oo ay joogaan.

 

Dalalka xooga waaweyn ee dunida ayaa ciidamo iyo hub ku soo daldalaya xeebaha Somalia, mana jiro wax u diidaya inay ciidamadaasi soo galaan xeebaha Somaliland si ay uga weeraraan meelah ay budhcad baddeeda hoyga u ah.

 

Ololahan ay wadaan dalalka Maraykanka iyo reer yurub ee ku wajahan la dagaalanka budhcad baddeeda ayaa waxa xukuumadda Somaliland ay ka ciyaari kartaa door diblomaasiyadeed oo ay dalalkaasi kaga dhaadhicinayso sida ay xeebaha Somaliland uga duwan yihiin kuwa Soomaaliya, iyadoo laga dhaadhicinayo sidii ay dalalkaasi wax ula qaban lahaayeen Somaliland, taas oo suurto galin karta inay ka caawiyaan dhinaca ciidamada illaalada Xeebaha.

 

Sidaas darteed xukuumadda waxa la gudboon inay qaado talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay kaga hor tagayso inaanay ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka budhcad baddeedu isku si aanay ula macaamilin xeebaha Somaliland iyo Somalia.

 

Dhibaatadan budhcad baddeeda oo aad looga dareemay guud ahaanba dunidda ayaa waxay dad badan oo arimahaa u kuurgalaa ay soo jeedinayaan inaanay arinta budhcada baddu ku dhamaanayn dagaal kaliya oo ay ciidamada dalalka badan ka koobani ku qaadaan kooxaha budhcada ah, balse loo baahan yahay sidii loo heli lahaa cid kaantaroosha ama ilaalisa xeebaha Somalia, si taas loo helana waa in maamul dawladdeed oo hawshaas lagu taageero la helo.

 

Haddaba iyadoo taas laga duulayo waa inay xukuumadda Rayaale beesha caalamka culays ku saarto inay Somaliland tahay dawlad, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaari karto la dagaalanka Budhcad baddeeda, iyada oo xeebteedana ka illaalisay inay kooxaha budhcad baddeedu ka sameeyaan hawlgalo ay maraakiibta ku afduubaan, isla markaana leh ciidamo ilaaliya xeebaha.

 

Waxaanay taasi beesha caalamka ku dhiiri galin kartaa inay ciidamadaasi ay Somaliland ka taageeraan dhinaca tababarada iyo qalabka ay ku hawlgalaan ciidanka ilaalada xeebuhu, inkasta oo Madaxweyne Rayaale dhowaan tegay qaar ka mid ah dawladaha hormuudka ka ah arintan budhcad badeeda lana filayo inay dawladahaasi wax iska yidhaahdeen, haddana waxay dad badani aaminsan yihiin inay arintani tahay mid aan ku filayn xodxodashada dublamaasiyadeed ee loo baahan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ adeer somali waa somali, Piracy waxay ahayd meherad ka socota koonfurta/central maantana Puntland waxa uu uyahay piracy-igu mid alive and flourishing business ah halkaa ayeey mareysa berina xaggaa iyo somaliland laga sugayaa smile.gif , balse ciladda somaliland haysata waxay tahay in badda cas ama Red Sea qiiqeyso (less bigger fish, let alone the risk) marka hadii somaliland xaggaas iyo Indian Ocean saarnaan lahayd muusigu dhawaaq kaluu lahaan lahaa maanta JBaroow :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this