Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Shaqada iyo Madaxda Hey’adaha UNDP Soomaaliya iyo MIP?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeeya Wasaardda iyo Hey’ada UNDP Soomaaliya, iyo horumarinta warbixinta Tusaha Saboolnimada ee qeybaheeda kala Duwan Multidimensional Poverty Index (MPI), Sido kale kor u qaadista xog ururinta, beegsiga dadaallada dhimista faqriga, iyo horumarinta mustaqbal waara.

Wasiirka waxaa sidoo kale kulanka ku wehlinayay Wasiir-dowlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, isagoo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho, wasiirka ayaa hey’adda UNDP iyo MPI uga mahadceliayay mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Hey’adahaan ayaa mashaariic kale duwan ka fuliya gobollada dalka iyo caasimadda, kuwaas oo lagu hormarinayo arrimaha bulshada, gaar ahaan caafimaadka waxbarashada iyo ceelasha laga qodo deegaannada fog fog ee miyig ah, iyagoo dhowaan mashaariic ka fuliyay deegaanadii la xoreeyay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this