Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo ka horjeedda xabbad-joojinta dhexmarta iyaga iyo Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   
GettyImages-2151302080.jpg?resize=1000%2

Israa’iil ayaa lagu warramaya in ay diiddi doonto soo jeedinta heshiiska xabbad-joojinta, sababa la xiriira
dalabaad ka yimid dhinaca Xamaas.

Xamaas ayaa ka dalbamaya Israa’iil in ay samayso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qasa.

taasi oo ay dheertay inay Xamaas ka dalbatay in ay dammaanad qaadan Qatar, Masar iyo Mareykanka in xabbad-joojintu sii socon doonto illaa laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo dagaalka soo afjaraya.

Madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ,  Bill Burns ayaa tagi doona Doha toddobaadkan, isagoo ka hortagaya in meesha ay ka baxdo fursada soo dhaweynaysa heshiis la gaaro si loo sii daayo 120 maxbuus oo Xamaas ay ku hayso Qasa.

Wuxu si wadajir ah ula kulmi doona Ra’iisal Wasaaraha Qatar, Agaasimaha Hay’adda Mossad ee Israa’iil iyo Madaxa Sirdoonka Masar, sida ay sheegtay Axios.

PUNTLAND POST


The post Israa’iil oo ka horjeedda xabbad-joojinta dhexmarta iyaga iyo Xamaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this