Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhawrka Puntland oo warbixin siiyay Guddiga Dhaqaalaha Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1720337009362.jpg?resize=720%2C48

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Maanta Warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Xafiiska Hantidhowrka guud ee Puntland.

Guddiga oo gacanta ku haya akhriska iyo falanqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedkii 2023, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha iyo xubnaha kale Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dawladda Puntland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka 2023 ee Golaha horyaala, waxaana mas’uuliyiinta Hantidhowrku ay Guddiga xog ka siiyeen Xisaab-xirka 2023, iyagoona uga jawaabay su’aalaha Xildhibaannadu waydiiyeen.

PUNTLAND POST

The post Hanti-dhawrka Puntland oo warbixin siiyay Guddiga Dhaqaalaha Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this