Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiishi Militariga ee af-gembiyay Mali, Burkina Faso iyo Niger oo ku dhawaaqay is-baheysi cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1720342769850.jpg?resize=720%2C40

Hoggaamiyayaasha militariga ee afgembiyay maamulladii Mali, Burkina Faso iyo Niger , ayaa shirkoodii u horreyay oo wadajir ah ku yeeshay caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Halkaasi oo ay kaga dhawaaqeen in ay sameynayaan urur ay ku mideysanyihiin oo ilaalinaya madax bannaanidooda, amniga iyo iskaashiga guud, sida uu ku dhawaaqay Ibrahim Traore, hoggaamiyaha Burkina Faso.

Shir madaxeedkan ayaa u muuqda mid ay ku muujinayaan ka bixitaankooda ururka ECOWAS oo ay saddexda hoggaamiye sheegeen in ay ka baxeen horraantii sannadkan, inkasta oo ay jiraan dadaalo badan oo dib u heshiisiineed.

Mali, Burkina Faso iyo Niger, oo ay ka dhaceen afgembiyo is xigay oo militariga ay xukunka kula wareegeen , ayaa isbeddelo weyn ku sameeyay jihada siyaasadeed ee galbeedka Afrika , iyagoo dalalkooda ka saaray Faransiiska iyo Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Saraakiishi Militariga ee af-gembiyay Mali, Burkina Faso iyo Niger oo ku dhawaaqay is-baheysi cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this