Xudeedi Posted August 31, 2010 Businessman Haydhtuulo promised to subsidize and help Makhir University Project. He is a blockholder of Hodman firm. He also owns a number of factories in Bosaso. Ganacsade Reer Maakhir ah oo Sheegay inuu diyaar u yahay Talaabo kasta oo horumarka Bulshada ah. BOSASO:-Ganacsade Haydh-tuulo oo ka mida madaxda ugu sarsaraysa ganacsatada maamulka dowlada Puntland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay hor'umarka dalka gaar ahaan arrimaha bulshada, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan wixii dalka iyo dadka sumcad u ah inuu siwayn u soo dhoweynayo garabna siinayo. waxaa uu hanbalyo u diray ururada waxbarashada ee reer Maakhir iyo waxgaradka jaaliyada ee ku dhaqan dalka banaankiisa kuwooda ku howlan hor'umarka dalka iyo dadka oo ay garan karaan doorka looga baahanyahay. Haydh tuulo oo Hadal ka soo jeediyey Dhowaan xaflad ka dhacay Huteel Juba ee Magaalada Bosaso oo lugu daahfurayey Jaamacada Maakhir ayaa sheegay inuu siwayn ugu qanacsanyahay furitaanka jaamacadan Maakhir ee dhowaan laag furayo magaalada Badhan oo ay sanadakan Ardayda ugu Horaysa ee Jaamacadu ay Bilaabanayaan Simiserka 1aad ee Casharada jaamacada ka baxaya isagoo intaasi sii raaciyey inay arrintaasi ku Mahadsanyihiin Prof iyo Masuuliyiinta Muwaadiniinta ah ee Fikirkooda iyo aqoontooda u huray. Haydh tuulo oo ah Masuul sare oo lug kula jira Shirkadaha ugu waawayn Puntland ee Wersheda Laasqoray ,Shirkada Hodman iyo Wershada kale oo wax soo saar oo uu iminka ka Furay Magaalada Bosaso oo ay ka midyihiin Wersheda roodhiga , Wershada bacaha ayaa ah Shaqsi siwayn isugu howlay Hanaanka ganacsi iyo Waxqabadkiisa uu ku leeyahay Harumarka dalka in wax lugu soo kordhiyo. Hadalka Ganacsadahan wayn ee Haydh tuulo ayaa waxaa Madaxa u Ruxay Masuuliyiin badan oo ka mida Ganacsatada iyo Culimada reer Bosaso oo si aad ah u tageeray isla markaasina sheegay inay talaabadaasi tahay mid ku dayasho mudan,Waxaana uu sheegay masuulkani inuusan ganacsigiisa iyo tageerida wadinyeed ee uu muujiyey uusan markaasi jirin ama ku dheehayn siyaasad iyo Wax la hal maala toona. Dhahar Online/Bosaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted August 31, 2010 AGAASIMAHA JAAMACADA MAAKHIR ZEKERIYE X. SICIID AWAARE OO KA WARBIXIYAY DHISMAHA IYO HAWLAHA JAAMACADA [DHEGAYSO] Agaasimaha Jaamacada Maakhir Eng. Zekeriye Xaaji Siciid Cismaan Awaareoo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa waxa uu waraysigiisaa kaga hadlay arimo badan ku saabsan jaamacada Maakhir oo dhowaan laga furi doono Magaalada Badhan. Eng. Zekeriye ayaa waxa uu sheegay in Jaamacadu ay furmi doonto bisha tobnaad ee fooda ina ku soo haysa ,sidoo kale waxa ay Jaamacadu bixin doontaa Courses lix bilood ah oo ay ugu talagashay in kor loogu soo qaado tayada arday biloobi doonta Jaamacada [upgrading Programs] . Jaamacada ayaan iminka lahayn dhismi u gaar ah , isla markaana lagu sii bilaabi doono dhismi kiro ah ilaa inta laga helaayo dhismi jaamacada u gaar ah. Eng. Zekeriye ayaa mar wax laga waydiiyey halka ay ka helaan dhaqaalaha. Waxaana uu sheegay in dhaqaalaha Jaamacadu ka yimaado Jaaliyadaha u dhashay deegaanda Maakhir ee degan Wadamada Maraykan, Yurub, Canada iyo sidoo kale wadamada Carabta. Isku soo wada duuboo waraysigan ayaa waxa uu mugdi badan ka saari doonaa dad badan oo shaki ka qabey bilaabida jaamacada Maakhir.. Listen Quote Share this post Link to post Share on other sites