Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur ay ku midaysan yihiin 12 dal oo dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   
palestine-flag.webp?resize=1000%2C563&ss

Ururka Midowga Koonfurta Ameerika (USAN) ayaa ku dhawaaqay in uu dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin.

USAN ayaa ku daray Falastiin dalalka ganacsiga xor ah uu la yeelanayo ururka oo ay xubno ka yihiin 12 dal ay ku jiraan Brazil, Chile, Colombia,Ecuador iyo Bolivia oo ka mid ah dalalka leh wax-soosaarka dhaqaale iyo warshadaha ee ugu sarreeya Ameerika.

Dalalka koonfurta iyo bartamaha Ameerika ayaa taageerrada ugu sarreysa ee diblomaasiyadeed siiyay Falastiiniyiinta , kuwaaso si adag u cambaareeya duulaanka Israa’iil, wax ku dhow kala bar ayaanna dalalkan xiriirka u jaray Israa’iil.

Halka ay qaarkood ku biireen dacwada xasuuqa ee ka dhanka ah Israa’iil oo koonfur Afrika ay geysay maxkamadda dambiyada caalamiga ah, iyadoo go’aamada dalalkan ee ka dhanka ah Israa’iil ay yihiin kuwa diblomaasiyad ahaan ka sarreeya mowqifka dagaalka Qasa ee waddamada Carabta oo Falastiiniyiinta ay ka dhasheen.

PUNTLAND POST

The post Urur ay ku midaysan yihiin 12 dal oo dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this