Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Furay Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Kana Hadlay Xadgudubka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbad ka jeediyay furitaanka kal fadhiga baarlamaanka ayaa si kulul uga warceliyay hadal uu dhowaan yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa in Soomaaliya ay dalalka caalamka dacwad ayaga ka dhan ah la wareegayso.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Itoobiya ayadu dunida wareegayso, ayadoo ku calaacalaysa Soomaaliya ha nala heshiisiiyo, balse ay ayadu gefka gaysatay ayna mid tahay hashii ayadu geela cunaysay, haddana cabaadaysay ee murti lagu xusi jiray.


Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkii magaalada Ankara ee dalka Turkigu uu guuldarraystay, ka dibna mar kale la hadlay, asagoo xusay in Itoobiya ay weli ku taagantahay mowqifkeedii xadgudubka ahaa ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dhanka ahaa.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hoggaanka iyo waxgaradka Soomaalilanda ugu baaqay inay garaadkooda iyo ilbaxnimadooda kaashadaan, kana fiirsadaan go’aanka guracan ee ay badda xabashida ugu gacan galinayaan.

” haddii aan wadajirayno iyo haddii aan kala tageyno waa howl u taalla dadka Soomaaliyeed oo keliya ee meelo kale iyo shisheeye ma qusayso” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, asagoo khodbad u jeedinayay labada gole ee Baarlamaanka.

Itoobiya ayaan weli ka tanaasulin go’aankeedii xadgudubka ahaa, balse waxay garan la’dahay sidii ay fulintiisa ugu dhiiran lahayd sida ficilladeeda ka muuqata, balse dowladda Soomaaliya iyo dadweyneheeda oo kaashanaya saaxiibadooda dunida ayaa arrintaas geeri ka xega.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this