Sign in to follow this  
Deeq A.

Britain oo yeelatay ra’iisul wasaare cusub – Maxay isku casilaan R/Wasaarayaasha UK?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_1801.jpeg?fit=408%2C230&ssl=1

London (Caasimada Online) – Boqorka UK, Charles III ayaa Jimcaha maanta ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain.

Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaareen doorashooyinkii dhacay Khamiistii.

Boqorka ayaa goor sii horeysay aqbalay is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak.

“Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay qasriga.

“Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.”

Keir Starmer ayaa Jimcihii maanta balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ka hor inta uusan xafiiska la waareegin uu jeedi doono khudbaddii ugu horaysay isaga oo ra’iisal wasaare ah.

“Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yiri, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka.

Ra’iisul Wasaare kasta oo dalka UK uu yeesho waa iska casilaa xilka, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Britain ay ka baxday ururka Midowga Yurub, macada sababtu, laakiin waa caqabado soo wajaha nidaamka xukunka dalkaas.

The post Britain oo yeelatay ra’iisul wasaare cusub – Maxay isku casilaan R/Wasaarayaasha UK? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this