Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay Xaaladda Gobolka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240705_094617297.jpg?resize=689

Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Masar mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa wada-hadal gaar ah ku yeeshay Khadka Taleefonka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar sida uu muujinayo Qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta Iskaashiga labada dal iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST


The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay Xaaladda Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this