Deeq A. Posted July 5, 2024 Dawooyinku waa laf dhabarta daryeelka caafimaadka casriga ah. Haseyeeshee kiimikooyinkan awoodda weyn lihi waa sidii seefo laba af leh oo wax bogsiin kara waxyeelo badanna keeni kara haddii aan si taxadar leh loo isticmaalin. Maxamed Cismaan oo dawayaqaan ahi wuxuu faaqidayaa halisahaas ku lammaan iyo jidka bulshada u furan Nidaamka maaraynta silsiladda sahayda daawooyinka ee waddanka ayaa ah mid aan shaqaynayn oo badanaa sababta in dawooyin lagamamaarmaan u ah goobaha caafimaadka oo waaweyn si kedis ah looga waayo. La’aanta nidaam isku dhafan oo sahayda farmashiyaha ah, oo ay weheliso maqnaanshaha nidaam xoog leh oo macluumaadka, qiyaasta, iyo soo iibsiga ah, ayaa horseed u ah carqaladahan, sida ku cad isla siyaasadda caafimaadka ee qaranka ee 2022. Maxay Qaban Kartaa Bulshadu? Bulshada Somaliland waxaa ka maqan ma aha dawayaqaanno keliya, balse waa nidaam sharci oo dhammaystiran kaas oo kormeera dhammaan qaybaha kala duwan ee dawooyinka. Shaqsiyaadkan soo dejiya dawooyinka tayadoodu hooseyso, iibiya dadkana si toos ah iyo si dadbanba ugu waxyeeleeyaa waa isla dad ka mid ah bulshada. Haddaba arintan waxaa hirgelin kara oo keliya dawladda. Markaa waxaad is weydiinaysaa, marka dawladdu waxqabad wax-ku-ool ah aanay ka qaban arrintan iyadoo haddana ku iftiimisay khataraha mushkiladahan siyaasaddeeda qaran ee caafimaadka ee 2011 iyo 2022, bulshadu maxay samayn karaan? Waxay samayn karaan dhawrkan arrimood: Waxa loo baahan yahay horta bulshadu inay fahanto baaxadda ballaadhan ee arrimahan iyo raadka sii jiitamaya ee ay ku yeelanayaan bulshada. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwo saamaynaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, yar iyo weyn, miyi (in kastoo miyiyada Somaliland ay ka sii daran tahay sidan oo daryeel caafimaadba aanay helin) ilaa magaalo, iyada oo keenta bogsashada cudurrada oo waqti dheer qaadata, kharashka daryeelka caafimaadka oo kordha, iyo guud ahaanba tayada nolosha oo hoos u dhacda. Bulshadu cid walba oo ka mid ahi waa inay ogaataa masuuliyadda ugu horreysaa in ay tahay ta nafahooda oo waa inay iska ilaaliyaan dawooyinkan ay iska soo iibsanayaan iyagoon dhakhtar dhab ah (kama hadlayo ganacsadayaasha dukaannada farmasiiga ah ku haysta xaafadaha dhexdooda) u tagin oo aan caadi loo shaybaadhin dabadeed ay iska liqayaan. Bulshadu waa inay codkooda maqashiiyaan dawladda iyagoo isticmaalaya baraha bulshada, warbaahinta, telefishannada, iyo habab kale oo silmi ah si kor loogu qaado wacyiga bulshada isla markaana loogu ololeeyo isbeddel wax-ku-ool ah. Sheekhyadu waa inay kaga hadlaan arrintan khudbadahooda, iyagoo adeegsanaya saameyntooda si ay kor ugu qaadaan wacyiga dadka iyagoo u iftiiminaya muhiimadda caafimaadka, xasuusinaya dawladda in masuuliyadda bulshadu ay saaran tahay dushooda gaar ahaan kuwa masuulka ka ah qaybaha caafimaadka, aakhirana la waydiin doono. Maadaama ay soo dhowdahay doorasha madaxweynaha ee dalku bulshadu waa inay ka dhigataa halbeeg ay codka ku bixinayso arrimahan la xidhiidha dawooyinka iyo weliba arrimo kale oo ay bulshada u baahan tahay si ay ugu codeeyaan musharaxiinta kana feejignaadaan cod bixinta ku salaysan reer, qabyaalad iyo ina adeernimo aan waxba u soo wadin horena aan waxba ugu soo tarin.. In lala shaqeeyo lana dhiirrigeliyo ururka dawayaqaannada Somalailand oo maalamahan dambe laga arkayo dhaqdhaaqyo uu ku doonayo isbeddel. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites