Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Japanese ambassador to Kenya arrives in Bosaso with delegation of CEOs of major NGOs

Recommended Posts

Meanwhile the German Red Cross delivered a ultrasound scan machine and other much needed equipment for laboratory research to the hospital in Garowe State Capital, Puntland.

 

13032.jpg

 

bisha-gar2.jpg

 

bisha-gar3.jpg

 

bisha-gar4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti ka socda safaarada Japan ee Kenya, iyo madaxda hay'adaha UNICEF iyo IOM oo soo gaaray

 

Boosaaso

 

Posted to the Web Dec 09, 07:40

 

Boosaaso:-Waxaa shalay gelinkii dambe ka soo degay garoonka Bander Qassim ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari wafti uu hogaaminayo Seiji Okada oo ah safiirka dalka Japan ee Kenya.

 

Mr. Okada, 'Chargé d'Affaires' oo ah u qaybsanaha dalka Japan ee hawlaha diblomaasiyadeed iyo wafdi ka socda madaxda hay'adaha UNICEF iyo IOM ayaa yimid shalay maqribkii magaalada Boosaaso iyaga oo ka fulin doona hawlo samafal gobollada Puntland.

 

Mar wax laga weydiiyey Ujeedada safarka wafdiga Seiji Okada ay ku yimaadeen Puntland ayaa wuxuu sheegay in ay u yimaadeen in ay kormeeraan mashaariic bulsho oo ay hay'adaha samafal¨ka ee UNICEF iyo IOM waxaana ka mid ah mashaariicda in guryo loo dhiso dadka ku soo barakacay Puntland.

 

Wafdigan ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Duqa magaalada Bossaso C/risaaq Xareed o,AlXaji Muuse Geele iyo xubno kale oo ka tirsan Masuuliinta Puntland.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi Ka Socda Hay’adaha Samafalka Japan oo Booqasho ku Yimid Boosaaso (Sawiro)

 

Cabdalle Muumin

 

RBC Radio

 

Boosaaso, (RBC Radio): Wafdi ka socda hay’ado samafal oo Japan laga leeyahay ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka.

 

Waxaa wafdigan ay isugu jireen hay’ado dhinaca gargaarka iyo waxbarashada ah oo ay ku jito hay’ada caalamiga ee ka hortaga muhaajiriinta ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM.

 

Xubnaha wafdigan oo kulan la qaatey duqamagaalada Boosaaso C/risaaq X areed iyo la taliyaha madaxweynaha Puntland ee maamulka Barkhad Cali Saalax ayaa ka wada wadlay arimo ku saabsan gargaarka bani’aadanimo iyo xaaladaha dhinaca ammaanka.

Duqa Boosaaso oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa ka mahadceliyey booqashada wafdigan, waxaana uu sidoo kale ka mahadceliey deeq isugu jirta qalab waxbarasho iyo dayactir dugsiyo oo ay hore u siiyeen dugsiga sare ee Boosaaso.

 

Duqa magaalada Boosaaso

Waxaana uu duqa sidoo kale ugu baaqay hay’adaha inaysan ku koobnaanin oo kaliya deeq la qeybiyo ee dalka maalgashi lagu sameeyo.

Xubnaha wafdiga qaarkood oo iyaguna hadal jeediyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulankan wada tashiga ah, waxaana wafdigu ay tilmaameen in ay ka go’an tahay taagerida shacabka Soomaaliya.

 

Mr. Moja oo ah sarkaalkii hogaaminayey wafdigan ayaa tusaale u soo qaatay in Japan ay soo martay marxalado kuwa Soomaaliya la mid ah oo burbur iyo dhibaato isugu jira hase ahaatee ay ka soo gudbeen, waxaana uu idaa darteed yiri “waajib ayey nagu tahay taageerida Soomaalida”.

 

Wafdigan Japan ayaa isla maantaba booqasho ku tegey dugsiga sare ee Boosaaso iyo xarunta hay’ada IOM ee dhinaca muhaajiriinta oo ku taalla Boosaaso halkaasi oo ay kula kulmeen masuliyiin kala duwan.

 

Waxaa wafdigan ay u kuurgalayeen sida ay sheegeen qaabka loo maareeyo deeqaha lagu bixiyo dalka oo ay sheegeen inay yihiin canshuurtii ay bixiyeen shacabka waddanka Japan, ayna tahay waajib in laga warbixiyo.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this