Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo mar kale ka hadlay damaca Itoobiya ee helidda marin badeed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1720089943456.jpg?resize=720%2C53

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka dalkaasi ayaa mar kale ka hadlay damaca Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Tamar badan ku bixisay joojinta isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya balse laga maarmi waayay in madaxda Itoobiya ay wadahadal la yeeshaan Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya haddii ay walaac naga qabto waxaa ku filnayd hal duullimaad iyo hal kulan, laakiin waxa ay dooratay in ay meelo badan naga dacwayso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuuna ku celiyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo marin biyood ku yaalla Badda Cas.

Somaliland ayuu sheegay in ay noqotay cida u horeysa ee kasoo jawaabtay dalabkooda oo ay sidaas ula galeen Is Afgaradkii u dambeeyey ee sababay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Badda, isagoo tilmaamay in ay jid kasta u marayaan, horey ayuu tilmaamay in ay abaal badan ugu leeyihiin dowladda Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu sheegay in ay dhiiga u hureen mudo badan.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo mar kale ka hadlay damaca Itoobiya ee helidda marin badeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this