Sign in to follow this  
Deeq A.

Canada oo haweeneey u magacawday taliyaha ugu sareeya dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Canada ayaa haweeney u magacaabay taliyaha ugu sarreeya dalkaas markii ugu horreysay abid Arbacadii, taasoo ah dadaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ku doonayo inuu haweenka ugu magacaabo shaqooyinka ugu sarreeya.

Sareeye Guuto Jennie Carignan, oo mas’uul ka ah dadaallada lagu cidhibtirayo wax loogu yeedhay anshax-xumada gudaha ciidamada qalabka sida, ayaa shaqada la wareegi doonta July 18-keeda.

Carignan, oo asal ahaan ah Injineer Milatari, ayaa 35-kii sanno ee ay ciidanka ka tirsanayd waxay soo maamushay ciidamada dalalka Afgaanistaan, Bosnia-Herzegovina, Ciraaq iyo Suuriy.

“Mudadii ay ku jirtay shaqadeeda, tayadeeda hoggaamineed ee gaarka ah, ka go’naanta heerka sare, iyo u heellanaanta adeegga ayaa hanti weyn u ahaa ciidamadeena qalabka sida,” Trudeau ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray.

Carignan waxay xilka la wareegaysaa xilli dalka Canada uu cadaadis kala kulmayo xulafadeeda si ay sare ugu qaaddo kharashkeeda difaaca.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this