Sign in to follow this  
General Duke

Battles rage in Mogadishu:

Recommended Posts

Dagaalkii ka socday Galgalato oo sii xoogeystay, laguna kala qabsaday Gawaaro Dagaal

Breaking News

 

Mogadishu 21 March. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal culus oo geeystay qasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo barakac isugu jira Geeystay ayaa waxa uu ka socdaa qeybo ka mid ah duleedka W/magaalada Muqisho, iyadoo dagaaladaasi ay u dhaxeeyaan maleeshiyooyin kala taabacsan Bashiir Raage Shiiraar iyo Ganacsade Abuurkar Cumar Cadaan,

 

 

Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan iyo Bashiir Raage

Dagaalkaan oo 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah looga qabsaday maleeshiyooyinka Bashiir Raage ayaa ah mid sii dhamanaya , saameyna ku yeeshay deegaano hor leh oo ku aadan duleedka degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa, waxaana uu geeystay qasaaro dhimasho oo ka badan 10 ruux inta la og yahay, iyadoo tirada dhaawaca ay ka badan tahay 40 meeyo sida ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad oo ka kala tirsan isbitaalada magaalada Muqdisho.

 

Ilaa 23 ruux oo ka mid ah 40 ka ruux oo dhaawac uu soo gaaray ayaa la dhigay isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho sida uu shabelle u sheegay Agaasimaha Isbitalka Madina ee magaalada Muqdisho.

 

Garabka Ganacsade Abuurkar Cumar ayaa 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay ka qabsadeen Ganacsade Bashiir Raage waxa ay ku soo bandhigeen Hotel ramadan ee magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Abuukar Cumar Cadaan, iyadoo 4taaasi baabuur ay kala ahaayeen Gaari uu saaran yahay Qoriga Zuuga, Gaari uu saaran yahay qoriga 37 ka, Gaari uu saaran yahay qoriga dhashiike ah iyo mid kale oo nuuca Somalida ay u taqaano dabadhiibato ah.

 

Ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhinaca Bashiir Raage oo sheegaya Qasaaraha gaaray dhinaciisa marka laga reebo tikniko laga qabsaday oo lagu soo bandhigay Hotel Ramnadan.

 

 

Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan iyo Ganacsade Bashiir raage salkana ku haya gacan ku heynta dekedda Ceelmacaan ayaa bilowday saakay waabarigii, iyadoo rasaas culculus laga maqlayo daafaha magaalada Muqdisho.

 

Inta badan dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku geeriyooday ayaa u badan maleeshiyooyinka dagaalamaya, iyadoo ay jiraan madaafiic habow ah oo ku soo dhaceysa xaafadaha magaalada Muqdisho qara, inkastoo dagaalka uu ka socdo meel banaan oo ku aadan duleedka degma Kaaraan.

 

Ilaa iyo haatan ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi uu geeystay, inkastoo rasaas cul cuus ay wali isdhaafsanayaan labada dhinac maleeshiyadooda, dadkuna ay ka qaxayaan goobaha ku dhow dhow halka dagaalka uu ka socdo.

 

Dagaalkaan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo howlihii ganacsi ee dekedda Ceelmacaan, iyadoo halka dagaalkuna hadda uu ka socdo wadada aada dekadda Ceelmacaan.

 

Dhinaca kale Dugsiyada waxbarashada gobolka Banadir qaarkood ayaa la xirey maanta, iyadoo sidoo kale dib loo xirey qaar ka mid ah wadooyinka sababo la xiriira in dagaalkaasi uu ku fido deegaano kale.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee labada dhinac maleeshiyooyinkooda ay ku dagaalamaan gacan ku heynta deegaanka Galgalato, iyadoo horaantii sanadkaan ay aheyd dagaal halkaasi ku dhex maray labada Dhinac

 

Waxii ku soo kordha kala soco shabellenews.com

 

Shabelle Media Network, Mogadishu

Daawo bogga sawirada abaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka Galgalato ka soconaya oo lugta la soo galay Xaafado ka tirsan Muqdisho.

 

Muqdisho:- Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, 40 kalana ay ku dhaawacmeen markii Ganacsatada kala ah Bashiir Raage Shiiraar iyo Abuukar Cumar Cadaan ay maanta ku dagaalameen deegaanka Galgalato ee Duleedka Waqooyi ee Muqdisho oo ilaa iyo iminka halkaasi uu ka soconayo .

 

:- Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, 40 kalana ay ku dhaawacmeen markii Ganacsatada kala ah Bashiir Raage Shiiraar iyo Abuukar Cumar Cadaan ay maanta ku dagaalameen deegaanka Galgalato ee Duleedka Waqooyi ee Muqdisho oo ilaa iyo iminka halkaasi uu ka soconayo .

Waxaa la tilmaamay in la Garaash weyn oo ku yaala agagaarka Warshadii hore ee Baastada Muqdisho oo fariisin u ah maxaakimta Muqdisho la keenay ku dhawaad 5 gawaarida dagaalka oo uu lahaa Ganacsade Bashiir Raage oo xoog lagu soo furtay.

 

Warka ayaa waxa uu sheegayaa in gawaarida dagaalka ay ka badan yihiin tiradaasi , laakiib weli wax war ah kama aanu soo bixin dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Galgalato oo ah meel banaan ah oo aan rasmiyan la ogaan Karin khasaaraha dagaalka .

 

Ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegayaan in koox dhalinayro oo laga buuxiyay gaari nooca xamuulka ah oo ku sii jeeday dekadda Ceelmacaan loo ekeysiiyay xamaaliyaal ka howgsada dekadaasi , waxaana kooxdan dhalinyada ah ay si gaadmo ah u weerareen fariisimahii ay joogeen Maleeshiyadda Ganacsade Raage oo sababtay in gawaari dagaal ay soo qabsadaan .

 

Ma jirto ilo madax banaan oo arintaasi xaqiijineysa , marka laga reebo guusha ay sheeganayaan Maleeshiyaatka Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo taageero milatari ka helay Maxaakimta islaamiga Muqdisho oo wadashqeyn ay kala dhaxeyso .

 

Halka Ganacsade Bashiir Raage la tilmaamay in laga weeraray deegaano badan oo fariisin u ahaa Maleeshiyadiisa si gaar ah xaafado ka mid ah Degmada Kaaraan oo iminka dagaalka uu lugta la soo galay , waxaana la maqlayay dhawaqa madaafiicda aadka u xoogan iyo hoobiyaal habow ah oo ku dhacayay xaafadaha qaar ee Muqdisho.

 

Ilo wareed ayaa waxa ay sheegayaan in Bashiir Raage oo ka tirsan Isbaheysiga soo celinta Nabadda iyo la dagaalanka argagaxisada uu kol dhow taageero Miltari ka helay Wasiirada kala ah Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo dhaqan Celinta Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin oo iyagu ku hubeysan gudaha Caasimada , dagaalkuna waxa uu u egyaha mid ka sii xoogeysanaya qaabkii uu saaka ku bilowday .

 

Dagaalkan ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Muqdisho oo kaga xirnaa dhinaca dekadda Dabiiciga ah ee Ceelmacaan kadib markii wadada gawaarida xamuulka ay ka soo gudbi jireen uu dagaal wada ekeeyay .

 

 

Cali Cabdi Cali (Suxeyfa)

 

Wayaha-Muqdisho - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii ka socday Galgalato oo iskiis u qaboobay.

 

Breaking News

Mogadishu 21 March. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal culus oo qasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo barakac isugu jira Geeystay oo saakay ka bilowday deegaanka Galgalato ee duleedka W/magaalada Muqdisho ayaa iskiis u qaboobay, inkastoo wali ay jirto israsaaseyn goos goos ah, iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyay maleeshiyooyin kala taabacsan Bashiir Raage Shiiraar iyo Ganacsade Abuurkar Cumar Cadaan oo ku muran sanaa gacan ku heynta dekedda ceelmacaan.

 

 

Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan iyo Bashiir Raage

Dagaalkaasi oo 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah looga qabsaday maleeshiyooyinka Bashiir Raage ayaa ahaa mid aad u culus oo iminka iskiis u istaagay, iyadoo aysan jirin cid isku howshay in ay kala dhex gasho labada dhinac

 

Dagaalkaab oo bilowday saakay aroortii ayaa waxa uu ku fiday deegaano ku teedsan duleedka degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa, waxaana uu geeystay qasaaro dhimasho oo ka badan 10 ruux inta la og yahay, iyadoo tirada dhaawaca ay ka badan tahay 40 meeyo sida ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad oo ka kala tirsan isbitaalada magaalada Muqdisho.

 

Ilaa 23 ruux oo ka mid ah 40 ka ruux oo dhaawac uu soo gaaray ayaa la dhigay isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho sida uu shabelle u sheegay Agaasimaha Isbitalka Madina ee magaalada Muqdisho.

 

Garabka Ganacsade Abuurkar Cumar ayaa 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay ka qabsadeen Ganacsade Bashiir Raage waxa ay ku soo bandhigeen Hotel ramadan ee magaalada Muqdisho oo fariisin u ah Abuukar Cumar Cadaan, iyadoo 4taaasi baabuur ay kala ahaayeen Gaari uu saaran yahay Qoriga Zuuga, Gaari uu saaran yahay qoriga 37 ka, Gaari uu saaran yahay qoriga dhashiike ah iyo mid kale oo nuuca Somalida ay u taqaano dabadhiibato ah.

 

Ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhinaca Bashiir Raage oo sheegaya Qasaaraha gaaray dhinaciisa marka laga reebo tikniko laga qabsaday oo lagu soo bandhigay Hotel Ramnadan.

 

 

Dagaalkaan oo u dhaxeeya maleeshiyooyin kala taabacsan Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan iyo Ganacsade Bashiir raage salkana ku hayay gacan ku heynta dekedda Ceelmacaan ayaa bilowday saakay waabarigii, iyadoo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

 

Inta badan dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku geeriyooday ayaa u badnaa maleeshiyooyinka dagaalamayay, iyadoo ay jiraan madaafiic habow ah oo ku soo dhaceysay xaafadaha magaalada Muqdisho qaar, inkastoo dagaalka uu si goos goos ah iminka uu uga socdo duleedka degmada Huriwaa ayaa waxaa adag in la ogaado qasaaraha dhabta ah.

 

Dad weynaha ku dhaqan goobaha u dhow dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa bilaabay in ayaa isaga qaxay ka dib markii ay u dulqaadan waayeen rasaasta culculus ee labada dhinac ay is weydaarsadeen.

 

Dagaalkaan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo howlihii ganacsi ee dekedda Ceelmacaan, iyadoo halka dagaalka uu ka dhacay ay aheyd wadada aada dekadda Ceelmacaan.

 

Dhinaca kale Dugsiyada waxbarashada gobolka Banadir qaarkood ayaa la xirey maanta, iyadoo sidoo kale dib loo xirey qaar ka mid ah wadooyinka sababo la xiriira in dagaalkaasi uu ku fido deegaano kale.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee labada dhinac maleeshiyooyinkooda ay ku dagaalamaan gacan ku heynta dekedda ceelmacaan gaar ahaan deegaanka Galgalato, iyadoo horaantii sanadkaan ay aheyd dagaal halkaasi ku dhex maray labada Dhinac.

 

Waxii ku soo kordha kala soco shabellenews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this