Libaax-Sankataabte Posted August 31, 2004 Tababarihii iyo Ciyaartoydii Soomaaliya uga qeybgashay ciyaarihii Olombikada adduunka oo goostay Talaado, August 31, 2004 Tababarihii ciyaartoyda ciyaaraha fudud Maxamed Faarax Cajab iyo Fartuun Abuukar Cumar oo magaca Qaranka Soomaaliyeed ku meteleysay ciyaarihii Olombikada Adduunka ee lagu qabtay dalka Greece ayaa ka goostay wafdigii ay la socdeen. Labadaasi xubnood ayaa la sheegay in ay u sii baqooleen dalal kale oo Yurub ah, inkastoo uu arrintaasi beeniyay madaxii wafdigaas Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in tababaruhu uu fasax weydiistay markii ciyaaruhu dhamaadeen, lana fasaxay, halka gabadha uu ku tilmaamay in ay daqiiqadihii ugu dambeeyay baskii soo qaadayay uu ka soo tegay. Goosashada ciyaartoyda iyo mas'uuliyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ayaa iska noqday wax caadi ah iyo fursad lala fiirsado ka qeybgalka tartamada caalamiga ah, iyadoo beryahaan dambena ay jireen warar sheegaya in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) Xiriirro ka mid ah ay safarradda ceynkaas oo kale ah u isticmaalaan qaab ganacsi ah, iyagoo dad dibadaha ku geeya, isla markaana mararka qaarkood ku dara wafdiga Isboorti ee ciyaaraha caalami ah Soomaaliya uga qeybgelaya dad aanan ehel u ahayn Isboortiga. a ahan markii ugu horeysay ee ay goostaan ciyaartoy iyo mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo dalalka dibadda u tegay ka qeybgalka ciyaaraha caalamiga ah, waxaana la xusuusan yahay in labo jeer oo hadda ka horeysay oo Soomaaliyana ay ka qeybgashay ciyaaraha Olombikada Adduunka ay labaduba baxsanayeen ciyaartoydii Soomaaliya uga qeybgashay tartamadaas, waana arrin fadeexad ku ah Isboortiga Soomaaliyeed. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online E-mail: sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 1, 2004 ceebeey tacaal, waa wax lala yaabo, amakaag waji qabsi baa iga soo haray walaahi, yesterday we were happy that they lost their qualifying games, and today..... iga dhaaf yaakhey maba ka hadlaayi arrintaan!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2004 Maxaa dal loo shaqayn oo magaciisa kor loo soo qaadi dadkii loo xil saaratay baaba iyagii iska baxsanaya e,.,,,,, hadii ay baxayaan may sidooda kele meelahaa is xambaar ugu baxaan maxay sumcadda iyo magaca dadka iyo dalka ugu ciyaarayaan ........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
H Posted September 4, 2004 wegeeeeeeeeeeeeeer see now no somali athletes will be allowed any where else 'cuz if what Libaax-Sankataabte posted is real then what a big shame it is for us all................. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Arsenal4Somalia Posted September 4, 2004 LooL qoftii xariiqda markey ka baxdey aan u sacabtumeyney oo dhaheyney magaca wadanka somalia oo burbursan bey ku orodeysaa...... ileyn filin ayey wadatey... ileyn ba waaye olombikada .. waxaan ka baqaa iney shiinaha markey olombikadu ka dheceyso ey iska dhiibaan... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 5, 2004 waa arin la yaab leh,,olombiga danbe waa shiinaha,markaa haday baxsadaan xagay tegi..lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 9, 2004 olombiga danbe waa shiinaha,markaa haday baxsadaan xagay tegi..lol mongolia ay galaayaan oo dhaqaala ahaan soomaaliya ayaaba dhaanto lool, danbaaba dheh wey na ceebeeyeen wallaahi kuwan ciyaartooyna ma ahan. Quote Share this post Link to post Share on other sites