Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay warar sheegaya in wada-hadallo ay la fureen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay waxa ka jira wadahadaladii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax ay dowladdu kala hadli karto Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in aanu jirin xal aan aheyn in kooxdaasi ay hubka dhigto oo dowladda isku dhiibto.

“Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa Al-Shabaab, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo annaga wax naga dhaxeeya ma jiraan,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan odhan karno sidu doonaynaa iyo waxaan ayaan idinka khaldan waa la hadli laheyn, waana hor-fadhiisan laheyn,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this